Milicsiga 18 May iyo Midhihii Shirkii Burco 1991-Kii

0
964

Qormo taxane ah oo warayska Dawan lafo-guri doono sooyaalkii dhismaha qaranimada JSL..Q1aad

Waa maalmo kale, Taariikh ma guurto ah, mucjiso Geeska Afrika laambad Iftiin weyn u shidday, Dhawaaq sidda dhambaal culus oo dunida ku socda iyo dhamaadka dharaarro sedkoodu buuxsamay oo foollanaya.

Mar kale, waa meerto xusuus u ah mahadhooyin laba qarni soo taxnaa oo taagan marxalad kale oo kala wareeg ah, xilli miidaanka geedigu ku fool leeyahay qormo iyo qeerraaro tigaad iyo taran leh oo toobiyihiisuna yahay mid si fiican loo sahamiyey.

Mar kalena, higilka iyo humaagga is-huwan ee Mandaqada hadheeyey waa ifafaale muujinaya cadceed cusub u soo baxayday dunida qayb kamida iyo midho-dhalka mabda’ii dib u soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo nabad, horumar iyo dawladnimo meel hoose laga soo unkay ku soo gaadhay sanad-guuraddii 31-aad oo aynu u dabaal-degayno, maalinteediina soo socoto inshalah haddii alle yidhaahdo.

Qormadan akhristeyaal waxaynu ku ibo-furaynaa mowduucyo dib-u-milicsi taariikheed ah oo Sooyaalkii dheeraa ee dib-u-dhiska Somaliland, millaygii, meeshii iyo maalmihii iyo waliba jaranjarooyinkii lagu xaqiijiyey madaxbanaanida Xoriyadda 31-guuraddeeda aynu u dabaal-degayno bishan may 2022.

haddaba, Ka dib markii ay shuhahadii SNM gacanta ku dhigeen gobolada Somaliland, kaddib halgan dheer oo sanado socday, hogaankii ururku waxay si dhakhso ah u abaabuleen in dib-u-heshiisiin laga bilaabo dalkam, waxaana ka dhacay magaalada Berbera intii u dhaxeysay 15kii ilaa 21kii Feebarwari 1991kii, shir nabaddeed dhex maray hoggaankii SNM iyo wakiilo ka socda beelaha Somaliland.

Shirkani wuxuu aasaas u ahaa “Shirweynihii balaadhnaa ee ka dhacay magaalada Burco intii u dhaxaysay 27-kii Abriil iyo 18-kii May 1991-kii, kaasoo ujeedaddiisu ahayd in lagu yagleello qorshihii iyo qaddiyadii lagu jihayn lahaa umadda Somaliland, kaddib 31 sanno oo kaga lumay, dawlad-xumo, silic, dagaal iyo qaxoonti, kuna soo gaadheen marxaladan burburka ahayd markaa, iyagoo aan dhadhamin macaan dawladnimo, waxqabad iyo horumar teer iyo maalintii ay gobanimada ka qaateen maxbiyaddii Ingiriiska.

Shirka Aayo-ka-tashiga ahaa oo ay u dhamaayeen beelaha Somaliland, socdayna muddada kor ku taariikhaysan, ajandihiisuna ahaa walaalaynta ummadda iyo go’aaminta masiirka umaddan, waxa ka qaybgalay dhamaan, Madax dhaqameedka , Waxgaradka, Ganacsatada , Siyaasinta Somaliland iyo Xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM.

Maalmo iyo madallo gaar gaar iyo kulamo guudba lahaa, kaddib shirkaasi waxa ka soo baxay qodobo aasaas u ahaa dhismaha Jamhuuriyadda soddon iyo kow jirsatay, meeshana ka saaray israacii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya 1 July 196O ee nidaamkii Jamhuuriyadda Soomaali, taasoo halkaasi lagu soo afmeeray nololsheeda sannado badan oo ay bukaan socod ahayd.

khudbadihii lagu shaaciyey go’aamada shirka

Furitaankii shirkan, oo uu shir-guudoominaayey, Gudoomiye Kuxigeenkii ururkii SNM, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaasina ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, ayaa isaga oo hadalka kusoo dhawaynaaya, Xoghayihii ama Afhayeenkii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland, Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxa uu yidhi “ Bismilaahi Raxmaani Raxiim, shirka u galimayno imika sidii shirarkii hore, aynu u gali jirnay, waxaan u gud-bayaa, Gudidii odayaasha ahayd ee aynu u saarnay, inay ka doodaan go’aanada shirka, oo ay isla, afgartaan, ka wadda tashadaan , falanqeeyaan, waxoogaana haasaawaan. Dabadeetana ay inoo fududeeyaan, oo ay inoo keenan wixii ay isla meel dhigeen. Odayaasha markaynu leenahay, musheekhdu way ku jirtaa, Odayaashu aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Qoddobaddii ay inoo soo diyaar gareeyeen, waxaa halkan ka akhriyi doona, Mujaahid Aadan Axmed Diiriye, oo kamida raggii, halganka, gaar ahaan xaga abaabulka aad iyo aadka uga shaqeeyey, ku soo dhawow Aadan”

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-baradho), ayaa hadalka u baxay. waxa uu halkaa ka jeediyey oo ku faahfaahiyey lix qodob oo ay duqayda qaranimada go’aamisay isku-waafaqeen, kuwaasoo uu ugu cuslaa dib-ula soo noqoshada madaxbanaanidu.

bal haddaba aynu milicsano khudbadii Aadan-baradho oo ay ku dhex jiraan lixda qodob ee ay qaraarriyeen, wadatashi dheer ka bacdi, waxaanu yidhi.

“ Bismmilaahi raxmaani raxiim, marka hore dadka sharafta leh , waxa aan usoo gudbinayaa, salaanta islaamku isku salaamo, Asalaama calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Marka labaad, sidaa uu sheegay, Gudoomiyaha shirku, shalayto waxay ahayd maalintii fursada laysku siiyey, inay isa-soo arkaan, oo arinta si ay usoo jilciyaan una soo sheekaystaan, Ergooyinka ka kala yimid beelaha waqooyi degen ee walaalaha ah.

Markaa kulankaa, oo ka dhacay magaaladan burco oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta, Culimo Aw-diinka, iyo odayaasha waxgaradka ahi waxa lagaga dooday oo si dheer loogu lafo guray, qodobadi, hor-yimid shirkan ee muhiimka, ahaa ee loo baahnaa. Qodobadaas oo si weyn looga dooday, wixii kasoo baxayna, halkan baan idiinka sheegi doona. Anigoo ku dadaalaya in aanan idinku dheeraynin hadalka, oo ka tix-galinaaya, bacadka la-fadhiyo, waxaan kusoo koobayaa,in aan qodobada uun soo qaato.

  1. Qodobka koobaad, qodobada la soo qaaday, qodobka koobaad wuxuu ahaa, in woqooyi gaar isku taago iyo in koonfur la-raaco baa laga hadlaayey, oo ajandaha qodobka koowaad ahaa, qodobkaa muddo dheerbaa laga dooday aad baana loo lafa-guray, Waxa laga xisaabtamay, oo dib loo mililicay, 31-kii sano ee aynu dawlada ahayn, wixii faa’iido ahaa ee aynu ka helnay, haddii aynu waqooyiga nahay iyo wixii khasaare ina soo gaadhay-baa si dhaba looga xisaabtamay. Muu ahayn shir caadifadeed, oo si shaqsi ah arimaha loo qaadanayo ama la-iskaga dul cararaayo, mana ahayn shir afduuba oo wax la kala maroor-sanaayo, wuxuu ahaa shir si dimuqraadiyada, oo cid waliba iyada oo xora codkeeda iyo fikraday qabto kasoo jeedinayso, ayuu ahaa. Arintaa markii si dheer looga xisaabtamay waxay noqotay, in 31kii sano waxa faa’iido ah oo la taaban karo, saddex qodob ayaa laga helay, oo iyaga laftoodu ku yimid, dhibaato iyo tacab, hawl badana loo soo maray oo dadka inta xog-ogaalka ahi ogtahay. Waxaana weeyi dekeda Berbera, warshadda sibidhka ee Iyana barbera ka samaysan iyo waddooyinka laamayda ah. Wax kale oo waqooyi laga sameeyey waa la waayey, kuwaasina sida ay ku yimaadeen waa la-wada og yahay.

Waxaynu og-nahay warshadda sibidhku inay mararka qaarkood gaadhay in koonfur laga sameeyo dhagaxana laga gurro halkay immika ka samaysan tahay, illaa xadkaa inay gaadhay-baa la ogyahay oo dadka xog-ogaalkii og-yahay. wax faa’iido, ahna intaasa laga soo qaaday. Waxa dhinaca kale ku qormay oo iyana timi, in khasaaraha aynu hada og-nahay, ee uu u weyn yahay, burburka iyo baa’ba haysta ee ka muuqda magaalooyinkeenii, ee naf iyo maalba, baaba’ay ee loo baaba’ay, inay ka yimaadeen is-raacii ay israaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa halkaa kasoo baxay, markaa waxay noqotay marka labadii la isku miisaamay in miisaankii u badan yahay, dhinaca khasaaraha, sida awgeed waxa la isku raacay, oo shirkii isku raacay, bal aragnay is-raacii wuxuu inoo dhalaye, inuu waqooyi gaar isku taago, oo aanu koonfur raacin, oo aynu teena kala barkhad baxno, oo teena tijaabino, oo waqooyi gaar isku taago ayaa la isku raacay, qodobkaa koobaad.

  1. Qodobka labaad wuxuu ahaa in lagu dhaqmo shareecada islaamka, qoddobkaa isaga ah ruuntii dood badan ma yeelan, markii la eegay shuruucda kale, magac kastaba haloo bixiyee bili aadmku sameyo, ee aynu kusoo dhaqmi jirnay. Markii la eegay dhaqan xumadda, iyo dhaqanka ka lumay dadkii, mudadii dheeraa ee uu xukumayey daaquudkii dalka laga xoreeyey, uu inagu abuuray, ee aynu gaadhnay heer xaaranta iyo xalaasha aynaan kala garanyn, ee xarantiiba la xalaashaday, markii aynu eegnay, dadkeena oo aqlabiyadiisu imika tahayba, ama xoogiisu yahay, dadkii dhashay mudadaa ama ku caqliyeystayba . waxa laysla arkay, inaan wax kaloo inasoo dabaali karaaba jirin. Waxa kaloo lays waydiiyey wixii aynu ka dagaalanay muxuu ahaa? waxay noqotay oo saldhig u noqotay cadaalad darro. Halkaa waxa kasoo baxay baahideena koobaad inay tahay cadaalad. cadaaladu halkay ku jirtaaba markaa lays waydiiyey? caddaaladu waxay noqotay diinta islaamka. waxa ina wadda dhibtay oo aynu ogsoo-nahay bahal la yidhaa qabyaalad, oo eex iyo imtixaan dabada kuwadata, taana waxa laysla gartay, waxa aynu kaga bixi karnaa inay tahay inagoo ku dhaqana shareecada Islaamka, ee Ilaahay inoogu talo-galay Kownkan markuu ina dhigay isagu, ee uu inagu abuuray, inaynu ku dhaqano, masaalaxeena oo cid ka taqaanaa Ilaahay jirin, oo uu ugu talo galay inaynu taas qaadano ayaa iyadana laysla gartay.

 

Halkaa waxa soo galaaya, qodob kii hore la xidhiidha, oo waxaynu nidhaahnaa hadaynu gaar isku taagno layna ictiraafi maayo, oo ictiraafka cida laga doonayaa waa Binu Aadam, xagee dabadeetana ictiraafka laga helayaabaa la yidhi markaa. Anagu waxaanu isla garanay oo aanu mudnaanta siinay, cidaynu raali-galinaynaa inay noqoto Ilaahay, Ilaahaybaa quluubta Binu Aadamka xukuma, isaga ayaa cid walba inoo soo khasbi-doona oo inoo fudaydin doona, hadii aynu dariiqiisa raacno oo ku toosnaano, waxaanu ku kalsoon nahay in aynaan wax dhibaato ah la kulmaynin, markaa aan sidaa aamino, aan ku kalsoonaano, aynu u wada diyaar-garowno inaynu fulino, hubaalna waxa ah hadii aynu sidaa ku toosnaano oo cagta saarno, wadadaa ilaahay, in aan wax socdaa oo inaga hor imanayaa jirin, markaa nin walowba dhinacaaga ugu diyaar garaw.

  1. Qodobka saddexad na wuxuu ahaa in la sugo nabad-galyadda waqooyi, taas waxa weeyi oon muran ku jirin inay baahidda koobaad-ba ay tahay. oo haddii aan nabadgalyo jirin waxyaabaha aynu kasoo haddalnay aanay waxba kajirin, horumar jirimaayo, dawlad jiri-mayso, walaalnimada aynu kuwada fadhinaana jirimayso. Sidaa awgeed, iyadana si wada jirra ayaa lays-kula gartay oo lays kugu waafaqay in nabadgalyada waqooyi laga shaqeeyo, Allana lala kaashaddo, ilaahay haynala qabtee.
  2. Qodobka afraad wuxu ahaa in si dhakhso ah loo dhiso dawlad waqooyi, oo loogu dhawaaqo, taas iyadana waxa keenay, waxa aynu imika kusoo jirnay mudo, sadex bilood iyo dheeraad ah oo aynu xor ahayn oo aynu dalka joognay, dawlad la’aantu dhibaatada ay lee-dahay waynu soo aragnay oo waynu soo wada taabanay, markaa baahida jirta awgeed, ayaa qodobkaasna meesha loo keenay, iyadana waxa la codsanayaa oo xubnaha ururka laga codsanayaa in si dhakhso ah loogu dhawaaqo, dawlad waqooyi, kaasina qodobka afraad weeye.
  3. Qodobka shanaad, waxa weeye in golayaasha ururka iyo dawladaba loogu qaybiyo beelaha waqooyi degan, sidaana diintaa ina faraysa, waxa ina faraysa shareecada islaamka ee aynu qaadanay, walaaltinimadeenaa ina faraysa, wada dhaqankeenaa ina faraaya. Ma wada dhaqnaanayno oo walaalo ahaan mayno, hadaynaan cadaalad ku wada dhaqmin oo aynaan wax ku qaybsan, waxkasta oo aynu qaybsanayno iyo waxkasta oo ina dhex yimaadaa waa inuu cadaalad ku dhisnaadaa weeye, qodobkaasina sidaasuu ku dhanyey.
  4. Qodobka lixaad, waxa weeye, waa mid isaga laftiisu nabadgalyada ka hadlaaya, laakiin si gaara u taabanaaya gobol, iyadoo nabadgalayadii guud ahaan laga soo hadlay oo la go’aan saday, ayaa hadana waxa si gaara loo taabtay, in gobolka Sanaag, nabadgalyadiisa si gaar ah wax looga qabto, oo loo saaro gudi gaar ah, taa waxa keenay, waxa laga waramay, ama cabashooyin badan laga soo jeediyey in gobolka Sanaag ay wali ka jiraan dhibaatooyin, nabadgalyo la’aani, oo ay kaga duwan yihiin, gobolada kale ee dalkeenan waqooyi ka kooban yahay, oo ilaa hada dhibaatadii colaadu ay ka socoto, sidaa awgeed waxa uu shirku markaa isla gartay, in xil gaara halkaa la iska saaro, oo guddi loo saaro, maanta oo aynu halkan iskugu wada nimi oo waqooyi dhan yahay, aynu arinteeda si fiican wax uga qabano oo ka baaraan dagno, oo aynu dadkaa walalaha ah ee isku noolka ah ee meesha wada degan, aynu iyagana nabadgalyada ay inteena kale wada dhadhamisay aynu iyagana qaybtooda ka siino, oo walaalayno, xaqiiqaduna waxa weeye soomaalidu xigtay sheegtaa, xigtadu waxa weeye, inta isku danta ah ee meel wada taala,tan aynu sheegano maaha, ee nin mashriq yaala iyo nin maqrib yaala oo la leeyahay odaybaa wada dhalay, xigto iskugu sheegtaan maaha, maxay isku yihiin labadaasi, danba ma wadaagaane, xigtada dhabta ahi, waxa weeye kuwa nolosha wadaagaya ee meel wada degan, kuwaas baa loo baahan yahay, inay wax wada qabsadaan, kuwaas baa loo baahan yahay inay walaalnimadooda gartaan, in sidaa loo fahmo baa loo baahan yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana, aynu ku dhaqano, waxaynu rajaynaynaa wax wada qabsigeena iyo wax qaybsigeenuba inay noqdaan, iyo isku xidhnaanteenuba, sidaa aynu u kala degan nahay ee aynu u kala degan nahay inay noqdaan, oo in aynu taas fahano ayaa fiican. Markaa waxa anigu shirka qaybta aan anigu kulahaa ay ahayd, in aan qodobadii shirka shalayto uu isku raacay, aan halkan kasoo jeediyo oo aan shir-weynaha sharafta leh aan usoo jeediyo, qodobadiina lixdaa qodobay ku dhan yihiin, aad baanad u mahadsan tihiin” ayuu madasha ka yidhi Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo duco ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Qaraarka waxa saxeexay 17 xubnood oo guurti ah, isuguna jiray madaxdhaqameedyo, cuqaal iyo Odayaal metelayey qaar kamida beelaha, xubnaha ugu miisaanka culusna waxa kamid ahaa Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Isimada kale ee ugu faca-weyn ee beelaha Somaliland, waxaana ku siddeed iyo toban ahaa Xaaji Aadan-baradho:

Magacyada xubnaha ayaa kala ahaa:

  1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
  2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

 

  1. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
  2. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
  3. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
  4. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
  5. Suldaan Ismaaciil Muuse
  6. Suldaan Rashiid Suldaan Cali
  7. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
  8. Axmed Sheekh Saalax
  9. Sheekh Daahir Xaaji Xasan
  10. Axmed Xirsi Cawl
  11. Suldaan Maxamed Jaamac
  12. Xasan Cumar Samatar
  13. Maxamed Warsame Shiil
  14. Garaad C/Qani Garaad Jaamac
  15. Suldaan Cali Muuse

18.iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa xoghayaha shirkaasi.

Dhamaan ergooyinkii shirka ku sugnaa way ansixiyeen go’aamadaasi, waxaana amintaasi halkaa ka curtay madaxbanaanida qaranka aynu maanta ku naaloonayno ee dawladnimada iyo calanka, nabad-gelyada iyo dimuquraadiyada iyo guud ahaan nidaamkiisuba tis iyo taabogaleen.

Shirka waxa khudbado ka jeediyey xubno kala duwan oo isugu jiray hogaankii goleyaasha SNM, haldoor iyo waxgaradka. mid kamida weedhihii dhaxalgalka ahaa ayuu jeediyey guddoomiyihii SNM ee xilligaas oo isla golahaasi loogu doortay madaxweynihii ugu horeeyey ee dalku yeeshay.

Alle ha u naxariisto’e, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) madaxweynihii Somaliland, ayaa sheegay go’aamada shirka lagu iclaamiyey ku tilmaamay kuwo masiiri ah oo umaddeed, kana reeban cadiifad, cadawad iyo cid ku xumayn.

“Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara.

Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara”ayuu yidhi Alle ha naxariisto ee Cabdiraxmaan Axmed Cali.

 

 

 

Leave a Reply