Walaac laga Muujiyay Xaalada Abaareed ee Weli dalka ka jirta

0
349

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xaalada abaartu wali dalka ka taagan tahay, isla markaana loo baahan yahay in dadka tabaalaysan ee abaaruhu ay saameeyeen xaaladooda nololeed laga war hayo, lana taakuleeyo.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in arintaasi gurmad laga galo,

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu beesha caalamka iyo waddamada jaarka uga mahad celiyay gacantii ay ka geysteen dib u xoolayntii dadkii ku caydhoobay dabkii baabi’iyay suuqa Waaheen.

Guddoomiyuhu waxaa uu mudanayaasha golahaasi ku wargeliyay in madaxweynaha Somaliland, uu labada gole u jeedinayo khubad sanadeedkii dastuuriga ahayd waxaanu ku adkeeyay in aanay ka maqnaanin.

Waxaanu sidan ka sheegay furitaanka kalfadhigii 78 oo ka furmay xarunta guud ee golahaasi.

Waxaanu yidhi.“Dab xoog leh ayaa suuqa gubay, dhaawac xoog lehna waa gaadhsiiyay umadda, adduunkoo dhamina uu dareemay, balse daaweyntiisi aanay waxba ku darsan, laakiin qaylada inagu dare waanay ku mahadsan yihiin, damqashada ayaa wax ah.

Dabka ayaa ina ilowsiiyay, balse abaartii ka weynayd wali way jirta diifteedii hadda ayay ugu xun tahay, in loo dadaalo oo dadkii abaartaasi saameysay wixii lala qaban karayo iyo wixii qaylo ah ee islaanimo loo diro meesha way ku jirtaa, inaga oo aafadii dabka hawl galayna tana aynu ku darno oo yaynaan dhigin”

Hadalkan guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli dalka qaybo ka mida uu roobkii Gu’gu ka curtay, isla markaana ay weli abaari ka jirto degaanada qaar.

 

 

Leave a Reply