Manchester City oo Si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Heshiiska Erling Haaland

0
346

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo wareegtay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haalnad oo uu qalinka ku guugay heshiis shan sannadood ah.

21 jirkan ayaa July 1 soo gaadhi doona Etihad Stadium oo uu ku biiri doono kooxdiisa cusub, waxaanu noqonayaa mid ka mid ah saxeexyadii ugu waaweynaa ee kubadda cagta soo maray.

Manchester City oo xagaagii hore ku guul-darraysatay inay la saxeexato kabtanka Tottenham iyo xulka qaranka England ee Harry Kane ayaa ugu dambayntii heshay weeraryahan dhaliye dabiici ah oo kooxda ka caawiya afka hore.

Erling Haaland oo lagu tilmaamo mishiinka goolasha ayaa xilli ciyaareedka dambe noqon doona hoggaamiyaha Etihad Stadiu, kaddib markii ay Manchester City bixisay lacagta lagu burburin karayay ee ku xidhnayd qandaraaskii uu laacibkani kula jiray Borussia Dortmund.

War-saxaafadeed kooban oo ay Manchester City hadda soo saartay ayaa lagu yidhi: “Manchester City waxay xaqiijinaysaa in ay heshiis la gaadhay Borussia Dortmund oo ay kala soo wareegayso Erlinga Haaland 1da July, 2022. Waxa uu hadda heshiisku marayaa gunaanadka iyo dhamaystirka heshiiska shaqsiga ah ee ciyaartoyga.”

City ayaa kaliya bixinaysa £51 milyan oo Gini oo ay u shubayso Borussia Dortmund, laakiin lacagtaas ayaa gaadhi doonta illaa £85 milyan oo Gini marka lagu daro lacagaha dillaalka iyo xaqal qalinka, taas oo aad uga hoosaysa lacagtii hore loo sheegayay inay Man City kaga bixi doonto saxeexi laacibkan.

Erling Haaland ayaa sidoo kale tanaasul u sameeyey Manchester City, waxaanu aqbalay in aanu jabinin xayndaabka ay kooxdu u astaysay mushaharka kooxdeeda oo ah £375,000 Gini oo uu toddobaadkii qaadan doono, iyaga oo isku mid noqonaya Kevin de Bruyne.

Pep Guardiola oo waqti hore oo maanta ah xaqiijiyey heshiiska Haaland, laakiin waxa uu qirtay in ay kooxdu u diidday inuu ka hadlo oo uu faahfaahin badan bixiyo.

Haaland ayaa Manchester City hoggaamiye u noqon doona xilli ciyaareedka dambe, si ay ugu guuleysan karaan Champions League iyo tartamada maxalliga ah.

Damaca ugu weyn ee City oo ah Champions League ayuu Erling Haaland ka mid yahay xiddigaha ugu gool-dhalinta fiican marka la eego inta kulan ee uu ciyaaray iyo inta gool ee uu dhaliyey. waxa uu illaa hadda saxeexay 23 gool oo Champions League, taa soo ka dhigan in uu 64 daqiiqadood oo kasta gool dhaliyey.

Leave a Reply