Real Madrid oo La Wareegtay Difaaca Chelsea ee Antonio Rudiger

0
436

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay heshiiska difaaca Chelsea ee Antonio Rudiger oo ay si bilaash ay kula wareegayso, kaddib markii uu laacibkani diiday inuu qandaraaska u cusboonaysiiyo Stamford Bridge.

29 jirkan ayaa ka degi doona Santiago Bernabeu oo uu xilli ciyaareedka dambe ka dheeli doono, isla markaana xidhan doono shaadhka Real Madrid oo uu qalinka ugu duugayo heshiis afar sannadood ah.

Thomas Tuchel ayaa toddobaad ka hor xaqiijiyey in Rudiger uu ka tegayo Chelsea oo aanu cusboonaysiin doonin qandaraaska, laakiin ma aanu sheegin kooxda uu laacibkani tegi doono.

Real Madrid oo iska xoojinaysa khadka dambe ee difaaca ayaa ku guuleysatay inay Rudiger ku hesho si bilaash ah, waxaanay afar sannadood oo heshiis ah ka saxeexday 29 jirkan tamarta badan oo ka hoos ciyaari doona Carlo Ancelotti.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey saxeexa heshiiska Real Madrid ay la gaadhay Rudiger, waxaana warka u xaqiijisay Real Madrid oo u sheegtay inay dhamaystirtay heshiiska Rudiger. Qoraal uu Fabrizio Romano ku baahiyey bartiisa Twitter-ka uu ku yidhi: “Wax kasta oo ku saabsan heshiiska Real Madrid iyo Toni Rudiger waa la dhamaystiray. Heshiisku wuu dhan yahay, sida ay kooxdu ii xaqiijiyey, waxaanu laacibkani u ciyaari doonaa Real.

“Qandaraaskiisu waxa uu soconayaa illaa 2026, mana jiro sannad kale oo dookh ah oo Real Madrid ay kordhin karto. Heshiiska waxa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Antonio Rudiger ayaa laf-dhabar u ahaa Chelsea 12kii bilood ee ugu dambeeyey, waxaana ciyaartiisa dibedda usoo saaray Thomas Tuchel, hase yeeshee waxa uu ku qancin kari waayey inuu sii joogo Stamford Bridge.

Sannadkii 2017 ayuu Chelsea uga soo wareegay Roma, balse labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ayuu si dhab ah u muujiyey tayadiisa iyo in uu yahay difaac wanaagsan, isaga oo Chelsea ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League sannadkii hore.

Leave a Reply