Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo

0
389

Hargeysa (Dawan)  Xukuumadda Somaliland ayaa markale si kasoo horjeeda shakiga ay mucaaradku ka qabaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, sheegtay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland, mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumaddu ay doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qabanayso.

Waxaanu yidhi.”Hadalkaa kasoo baxay xisbiyada mucaaradka waxaanu qabnaa in aanu jirin, markasta xukuumaddu waxay qabtaa oo ay riixaysa in doorashadu wakhtigeedii qabsoonto”

Koore waxa uu sidookale ka hadlay guddida uu madaxweynuhu u saaray khilaafka maamul ee soo kala dhexgalay xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa waxa uu sheegay in sharcigu uu madaxweynaha awood u siiyay in uu guddi u saari karo haddii khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha guddida.

Leave a Reply