Madaxweynaha JSL oo Guddi Madax Bannaan u Magacaabay Khilaafka Koomiishanka Doorashooyinka

0
382

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddi madax-bannaan oo 5 qof ka kooban, kuwaasi oo baadhis ku samayn doonta khilaafka maamul ee ka dhexeeya guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wareegto ka soo baxday Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kadib markii uu madaxweynuhu garwaaqsaday in khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee ka dhexeeya guddida uu waxyeelayn karo xil-gudashadooda, ayuu magacaabay guddi baadhiseed oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah, Maxamed Jaamac Cabdi, Farxaan Maxamed Cali, Siciid Xasan Habbane, Axmed Saleebaan Jaamac iyo Bashiir Cabdi Xariir.

Wareegtadan oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan, ayaa lagu yidhi sidan: “In aan u magacaabo xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan guddi-baadhiseed, madax-bannaan oo ka soo warbixisa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan qodobka 15-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha xeer Lr. 91/2020.

Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin, nidaamka maamulka iyo maaliyadda ee xubnaha komsihanka, nidaamka iibka iyo qandaraasyada adeegyada iyo agabka komishanka, nidaamka maamulka iyo diiwaan-gelinta hantida raagta ee komishanka”.

Khilaaf maamul oo saameeyay shaqada guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa soo if baxay 27 bishii Abril, markaasi oo ay soo baxday waraaq sheegaysa in guddidu ay dooratay guddoomiye cusub, iyo waraaq kale oo sheegaysa in aanu jirin guddoomiye cusub oo la doortay waraaqda horena ay si qalad ah kusoo baxday.

Guddida doorashooyinka ayaa wakhtiga uu khilaafku soo baxay ku gudda jiray howlaha u diyaar garowga doorashooyinka la filayo in ay Somaliland ka dhacaan dabayaaqada sannadkan.

 

 

 

“NIN MEEL

Leave a Reply