Apple oo 21 sano kadib dooneysa in ay joojiso adeegii muusiga ee iPod

0
373

Hargeysa (Dawan)  Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso adeeggii muusiga ee iPod Touch, iyadoo soo afjaraysa qalab si weyn loogu ammaanay inuu wax ka beddelayo sida dadku u dhegaystaan muusigga.

iPod ayaa markii ugu horreysay la bilaabay sanadkii 2001, adeeggan ayaa keydin kara 1,000 heesood.

Maanta waxaa jira in ka badan 90 milyan oo heeso oo ku keydsan adeeggan, bulshaduna si dhaw ula socoto.

iPod Touch, waxaa naqshadeeyay isla kooxdii markii dambe iqtiraacday Iphone-ka oo si degdeg ah u hareeyay iPod-ka.

Shirkadda Apple ayaa markii ugu dambeysay adeegga iPod-ka cusboonaysiisay sanadkii 2019.

Leave a Reply