Sawir gacmeed lagu kala iibsaday $195 milyan oo doolar.

0
325

Hargeysa (Dawan)- Sawir gacmeed naadir ah oo laga matalay Marilyn Manroe oo ahayd atariisho caan ah , kaas oo uu sawiray Andy Warhol ayaa lagu kala iibsaday lacag dhan $195 milyan, taas oo ahayd lacagtii ugu badnayd oo ebed lagu kala iibsado farshaxan.

Waxaa la sameeyay sannadkii 1964-tii, wuxuuna iibka ka dhacay magaalada New York.

Waxaa iibsaday ninka leh shirkadda carwooyinka farshaxanka maamusha ee Larry Gagosian, iyada oo lacagta laga faa’iido loogu yaboohi doono hay’ad samafal oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka.

Leave a Reply