Guddoomiyaha golaha wakiillada  oo kulan la yeeshay la taliyaha dembiyada iyo  cadaaladda ee Safaarada Ingiriiska

0
191

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo, guddoomiye ku xigeenka golaha mudane Siciid Mire Giire  ayaa kulan la yeeshay la taliyaha dembiyada iyo  cadaaladda ee Safaarada Ingiriiska Mss Helen Knipe iyo sarkaal kale oo xafiiska Hargeysa ee safaarada Ingiriiska ka tirsan.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen iskaashiga iyo wadashaqaynta ka dhexeysa iyagoo golaha u balan qaaday inay gudida arrimaha gudaha kala shaqayn doonaan dhawr xeer oo ciidamada iyo ka hortaga denbiyada ku saabsan oo guddidu hadda gacanta ku hayso.

Leave a Reply