Shil khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay jidka isku xidha Burco iyo Caynabo

0
463

Burco (Dawan) ALLE haw naxariiste laba qof ayaa ku dhintay, 12 kalena way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo saaka ka dhacay, gaar ahaan degaanka Gaatama.

Gaadhiga shilka galay ayaa iska rogo ka soo baxday degmada Qorilugud, isla markaana ku sii jeeday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Dhaawaca dadkaasi ayaa hadda  lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada  Caynaba.

Leave a Reply