Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Doorashada Soomaaliya

0
366

Madaxweynaha oo waalli ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb galaan doorashooyinka Soomaaliya

 Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaamacada Hargeysa, ayaa doqoniimo iyo waalli ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ay u ordaan doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ee ka qayb galaya, doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwa dooranaya aanay waxba is dhaamin, isla markaana dhibaatada arrintaa ka dhalata aan Somaliland loo raaci karin.

Waxaanu yidhi. “Waxay nacasnimo haysataa dadka Somaliland u dhashay ee halkan magac ku lahaa, ee qaarkood jaamacadan wax ka aasaaseen, ee abaabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen, ee intay tageen Xamar yidhi waxaanu matalayna Somaliland, oo baarlamaanka ayaanu doonayna oo waanu codaynayna”

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ay ogsoonyihiin, in dadka Somaliland kasoo jeeda ee doorashooyinkaa ka qayb galaya aanay cidna matalin.

Waxaanu yidhi.”Xamar intaaso caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyaya oo xadiiska ayaa la akhriyayaa, intaasa wanaaga la is farayaa oo aqoon la leeyahay, hadana ka dhaariyay, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin, in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa aanu cidna matalin”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ee ka qayb galaya, doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwa dooranaya aanay waxba is dhaamin, isla markaana dhibaatada arrintaa ka dhalata aan Somaliland loo raaci karin.

“Kaa ninka doortay ee damiirkiisu kaa siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiir kiisa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada kasoo gaadhana anaga nooma eersadan, oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa waali ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb galaan doorashooyinka Soomaaliya “Kuwa Somaliland ee ay kamid yihiin kuwii jaamacadan xaadh xaadhay, ee aas aaskeeda lahaa, ee aabahood tacliinta ku suntan yahay, ee intuu kaligii Xamar tagay leh madaxweyne ayaa la ii dooranaya anu miyir qab uma arko”.

 

Leave a Reply