“Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa u Tartami Doona Doorashada”

0
341

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay  hadallo ka soo yeedhay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan  Cirro.)

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa u sheegay in qaranka ay u qorshaysan tahay in  Doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan, waxaana uu in taasi ku daray  in Saddexda xisbi ee ka  soo baxa Doorashada Ururada Siyaasada iyo Axsaabta ay u tartami doonaan Doorashada Madaxtooyadda.

Cabdinaasir  Buuni oo ka jawaabaya hadallo ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cirro, waxa  uu yidhi “Sidii  caadada u ahayd Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shirkaa  jaraa’id u qabtay  in uu dadka ka leexiyo in uu ka baxsanayo Xuska 18 May, taas oo shacabku ka warqabaan in Warbaahintu waydiisay in uu ka qaybgalayo Xuska 18 May, waxaana uu  si cad u sheegay in aanu ka qayb galany. waana caadooyinkiisii soo taxnaa  ee lagu yaqaanay  waxaana shirkaasi jaraa’id ahayd baxsad uu ka baxsanayay Xuska 18  May, waxa u qorshaysan Qaranka Somaliland Doorashooyinka oo  wakhtigooodii ku dhacaya  oo  ay ugu horayso Doorashadii Ururada Siyaasada iyo Axsaabta oo wakhtigii ay qabsoomi la hayd  fooda inagu soo hayo.

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray “Saddexda Xisbi  ee  soo baxa ayaa u tartami doona  Doorashada Madaxtooyadda. taasna Madaxweynaha Somaliland wuu cadeeyay  Doorashooyinka  waa qabsoomayaan sida ay u kala horeeyaan ayaanay u qabsoomayaan”.

Sidoo kale Cabdinaasir  Buuni ayaa waxa  uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland  uu Madaxweyne ku yahay Dastuurka. Waxaana  uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa  uu Madaxweyne ku yahay Dastuurka aqoonsi shakhsiya ee  Cabdiraxmaan Cirro Madaxweyneweyne kuma aha, waxaana  uu Madaxweyne ku yahay Dastuurkii siiyay in uu 12 sanno hogaamiyo Golaha Wakiilada. nin suuqa jooga iyo Xisbi kama  taliyo waxa ay u taalaa Hay’adaha Dastuuriga, oo marka waajibaadkoodu yimaado ka xil gudanaya dastuurka ayaana lagu kala soconayaa”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply