Wefdi Ka Socday Taiwan oo Booqday Wakaaladda Biyaha Hargeysa

0
397

Hargeysa (Dawan)- Wafti Ka Socda Hay’adda Step30 international Ministries ee reer Taiwan iyo Xafiiska Taiwan ayaa shalay booqasho ku tegay xarumaha wakaaladda biyaha Hargeysa.

Maareeyaha WBH Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo ka hadlay booqashada wefdiga Taiwan ayaa sheegay inay maanta (shalay) booqasho ugu yimaadeen mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Step30 international Ministries iyo Xafiiska Taiwan oo uu hogaaminayo xoghayaha koowaad ee Xafiiska Hon. Han-ching Fan, Hay’adda Step30 ayaa hore u maalgalisay hal Ceel oo lagu daray nidaamka Biyaha Geed-deeble.

sida lagu sheegay qoraal uu bartiisa FB-ga shalay ku baahiyey Maareeye Daarood.

Maareeye Daarood ayaa sheegay in Ceelasha Wakaaladdu gacanta ku haysay ee hore loo qoday ama u shaqayn jiray ay ahaayeen 14 Ceel oo dhaadheer oo ah kuwa hadda shaqeeya ama waraabiya qaybo ka mid ah Hargeysa iyo Kaalmaha Biyaha ee ay ka dhaamiyaan gaadiidka yare ee biyaha qaadaa kuna jiraan kuwa loo yaqaan mootada iyo gaadhi-dameerku.

Waxa kaloo mashruuca biyuhu hirgaliyay 6 ceel oo cusub, oo saddex ka mid ah iyo 14-ka ceel ee hore u shaqayn jiray hadda ku xidhiidhsan yihiin nidaamka Biyo-soo-saarka Hargeysa ee cusub, halka 3-ceel ee kale oo la dhamaystiray qoditaankooda August, 2021, ay dhawaan bilaabmi doonto kusoo xidhaantaankooda nidaamka cusub ee Biyaha Hargeysa.

Maareeyaha WBH Daarood ayaa sheegay in ceelka hay’adda Taiwan hirgalisay oo ah mid lagu baddelay ceel hore oo cillado yeeshay.

Maareeye Daarood oo ka hadlayey hawlaha hay’adda Taiwan ka taageerayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’adda Step30 International Ministries oo matalaysa Dawladda Taiwan ay saddex ceel ka taageerayso WBH, imikana ceelkii koowaad la dhamaystiray, sida heshiiskii ay la saxeexdeen xukuumada JSL dhigayey.

Maareeye Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey mashaariicda horumarinta adeegyada biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa gacanta ku hayso ayaa sheegay ay gacanta ku haysaa mashaariic horumarineed oo isugu jira ‘Cusboonaysiinta Adeega Biyaha iyo fidintiisa’, waxa ay mashaariicdani isugu jiraan laba waji oo kii hore hadda dhamaaday halka wajiga labaadna Gabagebo ku jiro, mashaariicda oo ay maalgeliyeen saaxiibada dhinaca horumarka ka taageera Dawladda Somaliland oo kala ah Midawga Yurub(EU), Dawladdaha UK, Germany, Netherlands, Denmark iyo Norway iyo Shirkadda Cocola ayaa gacan ka siiyay hirgelinta mashruuca Biyaha Hargeysa.

Wefdiga Taiwan ayaa sidoo kale booqday xarunta guud ee wakaaladda, Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa, Xarunta Maareynta Biyaha Hoose iyo Biyo-xidheenada, Xarumaha Biyo-soo-saarka Geed-deeble iyo Biyo-khadar (Biyo-shiinaha).

Heshiiska is-afgarad ee Wakaaladda iyo Hay’adda Step30 International Ministries ayaa lagu saxiixay Xafiiska Taiwain November 28,2022, waxaana ceelkan ay taageereen xadhiga laga jaray March 2022.

 

 

Leave a Reply