Sababta ay Arenal iskaga Daysay inay u Dhaqaaqdo Saxeexa Raheem Sterling

0
387

Xiddiga Manchester City Raheem Sterling ayaa lagu soo waramayaa in ayna u badnayn in uu ku biiro Arsenal suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay Evening Standard, waxaa jira xiiso dhab ah oo ay Arsenal u qabto saxiixa xiddiga Sterling xilli ay Gunners doonayso in ay xoojiso kooxdeeda.

Si kasta ha ahaatee dalabka Xiddiga reer England ee dhan mushaharka 300 kun oo Gini todobaadkii ayaa la macno ah in ayna Arsenal awoodin saxiixa xiddiga.

Ilaa uu Sterling Hoos u dhigo mushaharkiisa, Arsenal ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Sterling ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Man City xilli uu hoos u dhacay fursadihiisa ciyaarta kulamada Kooxda.

Leave a Reply