Ganacsiga Iyo Dhegaysiga Macmiilka!

0
249

Adigoo ku guda jira hawsha ganacsiga ayay dhici kartaa inaad la kulanto macamiil aad u xanaaqsan oo cabanaya kaasi oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan macmiilkaaga. Waxaana laga yabaa inuu yahay dadka aan shucuurtooda qarsan karin ee xanaaqa dhow.

Markaad arinkaasi aragto adigu is deji oo faham heerka cabashadiisa iyo nooceeda, eray qudha oo jawaab xun waxa kaaga lumi kara macmiil muhiim ah iyo macaash joogto ah. Ogow macmiilku isaga ayaa saxan waayo cabashada laftigeeda ayaa ah tabasho iyo wax ka maqan oo uu dareemayo oo ay mararka qaarkood sabab u noqon karto uu faham la’aan ka haysata arinka uu ka cabanyo.

Hadii qof ka macaamilka ahi qaylinayo oo xanaaq uu cirka marayo, weligaa jawaab xun ha siin. Sababtu waxa ay tahay xanaaqa xoogan, iyo qayladiisa dheer waxay muujisaa  dareenka qofka macaamilka ah, iyadoo banaanka u soo saartaa tabashadiisa. Inaad dejiso oo ogaato cabashadiisa ayaa si fudud u bogsiin karta tabashadiisa.

Leave a Reply