Gudoomiyaha Midowga Afrika oo Warqad Muhiim ah u soo Diray Madaxweynaha Somaliland

0
496

Hargeysa (Dawan) – Sarakiil ka socota xafiiska madaxtooyada dalka Senegal, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, soo gaadhsiiyay waraaq muhiim ah, oo ka socota Madaxweynaha Senegal ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada.

“Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtoooyada, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn xubnaha weftiga kaga guddoomay salaan iyo warqad muhiim ah oo ay ka sideen madaxweynaha Senegal, ahna guddoomiyaha midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraal ay Madaxtooyada Somaliland soo saartay.

Fariin sidayaasha oo ay ugu mudnaayeen Mohammamel habib Niang iyo Elhadji Abdoulaye Dia, oo ka tirsan madaxtooyada Senegal, ayuu madaxweyne Biixi uga mahadnaqay booqashada, waxaanu warbixin kasiiyay horumarka dimuquraadiyada Somaliland.

Sidookale, madaxweynaha Somaliland, ayaa isna waraaq ku socota madaxweyne Sall ugu dhiibay waftiga fariinta siday, lama sheegin waxa ku qornaa waraaqda uu madaxweyne Muuse Biixi usoo diray guddoomiyaha Midowga Afrika, sida si lamid ahna lama faah faahin waxa ku qoran waraaqda Biixi u dhiibay Sall.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay codsiyo ay ku dalbanayso in qadiyada madax bannaanideeda la geeyo Midowga Afrika, u dirtay dhowr iyo afartan dal oo qaarada Afrika ah, balse lama oga haddii fariinta Sall ay arrintan daba socoto.

 

 

 

 

 

Leave a Reply