Ciidanka ILaalada Xeebaha JSL oo soo Qabtay 7 Harimacad

0
354

Berbera (Dawan) Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland, ayaa soo qabtay 7 Hari’macad oo la rabbay in waddanka si sharcidarro ah lagaga dhoofiyo.

7 xabo ee Harimacadka ah ayaa laga dhoofinayay degaanka Korin oo dhinaca bari ka xigga magaalada Berbera, iyada oo lagu hayo saddex qof, oo laba ka mid ahi u dhasheen dalka Yemen, ka soo hadhayna u Somaliland.

Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Admiral, Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa sheegay inay sharci lala tiigsan doono dadka lagu soo qabtay ugaadhan la doonayey in Dalka laga saaro, dhanka kale waxaa uu balanqaaday inuu dalacsiin doono Ciidanka hawl-galkaasi

Taliyaha saldhiga koobaad gaashaanle sarr Haaruun Siciid Cali “Waxa jiray hawlgal muddo 4 maalmooda ciidanka ilaalada xeebaha ee saldhiga koobaad uu ku jiray, isla markaana guddoomiyaha taliyaha ciidankuba ay nagu ogaayeen.

Markii dhoofinta xayawaanadku may jirin balse hadda ayay nagu soo biirtay, waxa aanu gacanta ku soo dhignay dooni ay saran yihiin laba nin oo Carab ah, gaadhigii Harimacadka siday, nimamkii watay, laba ninn oo ka mid ahi waa ay baxsadeen, balse gaadhigii iyo Harimacadkii oo 7 xabo ah oo 4 dhimatay saddexna ay nool yihiin iyo gaadhigii ayaa gacanta lagu hayaa.”

 

 

Leave a Reply