Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil oo diiday guddi xisbiyada mucaaradku ku dareen

0
353

Hargeysa (Dawan)  – Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa diiday ka-mid-noqashada guddi labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI u magacaabeen qabanqaabada munaasibad gaar ah oo ay sheegeen inay ku xusi doonaan maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland 18 May, kadib markii guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaradku qaadaceen ka-qaybgalka xafladda weyn ee dabbaaldegga oo lagu qaban doono jidka wadnaha ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiye Xaamud oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira xisbiga UCID, lagana soo doortay Gobolka Awdal, ayaa ka cudurdaartay guddida qabanqaabada xuska 18 May, isagoo sheegay inuu haatan ku fadhiyo mansab qaran, waajibna ka saaran yahay inuu ummadda isku soo jiido, balse aannu ahayn nin dadka is Khilaafsan kala raaca.

“18 May waa maalin qaran, aniguna waxaan ahay nin qaran,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil.

Leave a Reply