In ka badan 100 kun oo ruux oo isticmaalka daawooyinka iyo daroogada ugu dhimatay dalka Mareykanka.

0
323

Hargeysa (Dawan) Maraykanka ayaa markale dhigay rikoodh cusub, iyada oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka iyo daroogada, waxaana sannadkii hore la diiwaangeliyey in ka badna 107,000 oo qof sida ay shaacisay xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee dalka Maraykanku.

Tiradan la soo saaray ayaa ka badan 15% tiradii la diiwaangeliyey sannadkii hore ee 2020, waxaana taasi ay la macno tahay inay in ugu yaraan uu hal qof u dhinto 5-tii daqiiqoba, isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada.

Dhimashada xad-dhaafka ah ee daroogada iyo daawooyinka ee Maraykanka ayaa kor u socotay labaatankii sano ee u dambeeyey.

Leave a Reply