Dhalinyaraddu Maaha Hangool Markii loo Baahdo la Raadiyo

0
293

 Qore Faysal Yuusuf Cali

Somaliland waxa ka dhici doonta doorasho xor iyo xalaal ah siddii looga bartay shacabka Somaliland, Ilaahay idamkii, oo hadda u bislaaday nidaamka doorashooyinka ee caalamku inagu majeertay, loona soo qabtay doorashooyin madaxtooyo, baarlamaan iyo goleyaal deegaano., oo dhamaantood ahaayeen qaar shacabku kaalin weyn ku lahaayeen qabsoomidooda, iyagoo ilaalinaaya qarankoodda iyo nabad alleh ugu deeqay.

Hogaamiyaashii kala danbeeyey ee Somaliland soo maray oo mid door ku lahaa dalka quruxda badan inuu karaankiisa halkii hore loo gaadhay, hore uga sii wado hogaankuna ahaa qori isku dhiib, si hagar la’aan ah dhamaantood qaranka ugu soo shaqeeyeen, itaalba meel uu dhigo madaxdii dalka soo martay waxay ku suntanaayeen dal jacayl iyo dad jacayl marka xilka loo doorto dhamaantood waxuu balanqaadkooda koowaad ahaa inay dalka & dadka ugu adeegaan sidda ugu wacan oo u sinaadaan mucaarid iyo muxaafidba. Qof xil qabtay ma waayo dhaliil ama afxumo loo soo jeediyo, mana aha mid uu isagu kasbaday, laakiin, waxa la yidhaahdaa kursigaa dhaliisha wata.

Dhalinyaradda reer Somaliland waxaan ku amaanayaa inay yihiin geesiyaal diiday inuu cadowgoodu u adeegsaddaan dalka nacab la galiyo si ay uga tahriibaan ama dhibaato u abuuraan. Ilaahay SW waxuu dhalinyaradda Somaliland garansiiyey inaan dalkooda dhibtii loo soo maray aanay dib u dhicin, oo gacantooda ka bixin danayste arrimo gaar ah wataana aanu xaabadda dabka lagu guro ugu noqon.

Dhalinyaradeena waxbartay ee hiigsi iyo niyadda wanaagu ku jiro inay maruun helaan hamigooda oo rumooba iyagoo dalka hogaanka ugu sareeya ka gaadha, oo ka soo dhex baxaan hogaamiyaal berri dalkooda Somaliland gaadhsiiya himiladiisa inuu caalamka ka mid noqdo.

Madaxda xisbiyadda mucaaridka iyo qofkasta oo majaro habaabinaaya dhalinyaradda Somaliland waan ka soo horjeednaa, mana habboona, siyaasadna maahs in loo adeegsado dayarta dalkeena ubax quruxda badan in loogu baaqo mudahaar iyo xabad ay isku dhigaan, dalka buuq galiya haddii 13-ka November doorasho dhici waydo.

Maanta maaha in masuul doonaaya dalka inuu Madaxweyne ka noqodo inuu dhalinyaradda dagaal gala oo dalka xoreeya uu yidhaahdo? horta waa su’aale dalka yaa laga xoraynaayaa?

Hogaamiye xaaskiisa iyo caruurtiisa dibadaha gaystay oo dalka aamini waayey, yaanu dhibaato iyo qalalanaase galin oo halka laga soo dhaqaaqay 1991 ku celinin, lagu noqon maayee? Nimaan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin dhalinyarooy!

 

Leave a Reply