Juventus oo Wada-hadallo la Bilaabaysa Pogba, si ay Qaab Xor ah ugu Helaan Saxeexiisa

0
355

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadanayso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo kor u qaadaya dadaaladooda ay ku doonayaan in ay ku helaan saxeexa xiddiga.

Pogba ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Ku ciyaarta Old Trafford.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay Man United sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Goal, Juventus ayaa todobaadka dambe wadahadalo Rasmi ah la furi doonta xiddiga khadka dhexe si ay u helaan saxeexiisa.

Pogba ayaan wali go’aamin kooxda uu ku biirayo iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid, Juventus iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Leave a Reply