Muran ka taagan go’aanka uu dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ku sharciyeeyey lacagta Bitcoin

0
433

Hargeysa (Dawan)  Bangiga dalalka Afrikada Dhexe oo fadhigiisu yahay dalka Cameroon, ayaa ku booriyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) inay baabi’iso sharci ay soo saartay dabayaaqadii bishii April kaas oo dalkaasi uu ku sharciyeeyey isticmaalka lacagta dhinaca internetka ee Bitcoin.

Bangiga ayaa warqad uu soo saaray todobaadkii hore kaga digay in tallaabadaasi ay jabisay shuruucdeeda ayna saameyn ku yeelan karto xasiloonida lacagta ee gobolka.

Bangiga ay ku bahoobeen dalalka Afrikada Dhexe ayaa sheegay in go’aanka uu gaadhay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee ah inuu sharciyeeyo lacagta electarooniga ah ee Bitcoin inay keenayso in lacagtaasi ay suuqa kula tartanto lacagta Faranka ah ee ay isticmaalaan dalalka Afrikada dhexe, waxaana lacagtaasi taageera dalka Faransiiska.

Leave a Reply