Qoysas danyar ah oo ku nool Tuulada Geed-haad ee gobolka Awdal oo loo qeybiyay raashin

0
414

Borama (Dawan) Kaalmadan oo iskugu jirtay Daqiiq, Bariis, Sokor iyo Timir islamarkana ka timid dowladda Sacuudiga ayaa loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool tuulada Geed-haad ee gobolka Awdal.

U qaybsanaha Somaliland u jooga Markiska Abu’salmaan  Siciid Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay in raashinkan kaalmada ah loo qaybiyay 140 qoys oo isugu jira kuwa danyar ah iyo kuwii ay saameysay abaarta.

Maamulkda degmada Saylac ayaa ka mahad celiyay raashinkan loo qaybiyay qoysaskan danyarta ah, sidoo kale waxa ay xuseen in Tuqushi ay raashinka gaadhsiiyeen 200 qoys, waxaanay farta ku fiiqeen in degaankii saddexaad uu yahay kan hadda laga wado raashin qaybintu.

 

Leave a Reply