Nacaska Ma Fahmo Xalka Dhibta Haysata!

0
363

Wiil u dhashay Irland ayaa habeenkii oo dhan soo jeeday oo aan seexa. Markii uu waagu beryaya ayuu shaqadii tegi kari waayay, daal iyo caajis awgeed.  Ninkan ayaa sameeyay arin aad loola yaabay. Wiilkan oo lagu magacaabo Eron Niel oo 20 sano jiray oo ka shaqaynayay shirkada Anthel ee ka hawlgasha caasimadda Dublin ayaa saaxiibkii u sheegay inuu la hadlo shirkadda isla markaana gaadhsiiyo warka digniinta ah ee oo ah in bam lagu xidhay dhismaha shirkada ku shaqaynayso.

Saaxiibkii ayaa kula xidhiidhay shirkadda telefoon isagoo weliba u sheegay inuu yahay xubin ka tirsan Daacish waxaana uu ku yidhi: “ Dhismihiina Bam ayaa ku xidhan, waxaana uu ku qarxayaa 12 saacadood gudahood, aniguna waxaan ahay xubin daacish ah “. Shirkadda ayaa isla markiiba booliiska la xidhiidhay.

Ciidanka Booliiska ayaa si degdeg ah shirkadda usoo gaadhay iyagoo isla markiiba xidhay dariiqyada soo gala waxaana shaqadii laga joojiyay 4 kun shaqaale oo subaxaasi shaqada diyaar u ahaa. Markii  booliisku waxba ka waayeen waxay soo qabteen  Eron iyo saaxiibkii oo ay baadhis heer sare ah ku ogaadeeen.

Maxkamada ayaa wiilka ku xukuntay 200 saacadood oo uu bulshada bilaash ugu shaqeeyo,. Qaadiga ayaa cadeeyay in Eron uu ahaa doqon aan caqli fiican lahayn oo habeenimadii daalay oo si axmaqnimo ah kaga baxsanayay shaqadiisa, arinkuna ma ahayn mid cadaawad ah iyo xataa mid ka maadaysi ah laakiin waxa uu ahaa mid doqoniimo ah. Waxaana uu ku soo xidhay hadalkiisa :” Nacasku ma fahmo sida ugu wanaagsan ee uu dhibta uga baxo, waxase uu sii gala dhib ka sii weyn.

Leave a Reply