Somaliland: 8 Nootaayo Ruqsadihii lagala noqday

0
868

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda cadaaladda Somaliland, ayaa laashay ruqsadaha sideed ka mida nootaayooyinka ku yaaala magaalada Hargeysa, si waafaqsan qodobka Qodobka 18-aad ee xeerka nootaayooyinka Xeer Lr.18/2001.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda cadaaladda., oo uu ku saxeexan yahay wasiirka Saleebaan Warsame Guuleed.

“Wasaradda cadaaladu waxa ay maanta oo tahay tariikhdu 16/5/2022 ay ka laashay ruqsadii nootayooyinka hoos ku qoran sida uu dhigayo qodobka 18aad ee xeerka nootaayooyinaka Lr.18/2001, kuwaaso sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadii ay ka haysteen wasaaradda cadaalada.

Sidaa daraaded waa inaad ku soo wareejisan wixii dhokomentis ah agaasimaha waaxda mihnadlayasha sharci iyo marin u helida cadaalada ee wasaradda cadaalada sida uu dhigayo xeerka nootayooyinka xeer Lr.18/2001”

Leave a Reply