Booliiska oo ka jawaabay mudaharaadyada xisbiga WADDANI balan qaaday.

0
350

Hargeysa (Dawan)  – Saraakiisha ugu saraysa ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ka digay banaanbaxyada uu balanqaaday xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn wax nabadgalyada wax yeelaya.

Taliyaha ciidanka booliiska sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in booliisku uu dhex u yahay dhamaan xisbiyada, isla markaana uu ixtiraamayo sharcinimadooda, balse aan dhalinyarada xaq loogu lahayn in dhiigooda la waydiisto.

Waxaanu yidhi.”Ciidamada booliisku xisbiyada Qaranka waa u dhex, balse amniga iyaga ayaa ka masuul ah, xisbigu sharci ayuu ku dhisanyahay, xisbi qaran weeyi, sharci nimadiisa ayaanu ilaalinaynaa, waa ixtiraamaynaa, waa isgarabtaagaynaa, WADDANI, ha noqdo, KULMIYE, ha noqdo, UCID ha noqdo, ubadka aan dhalay waxaa xaqloogu leeyahay ii codee, looguma laha in la yidhaa naftaada isii”.

Dabagale ayaa sheegay in dhalinyaradu aanay diyaar u ahayn in ay naftooda bixiyaan “Waxan ka maqlayay baryahan iyada oo la leeyahay naftaada isii, saw heegan iima tihid, saw xabad in lagugu rido diyaar uma tihid, saw jeel in lagu galiyo diyaar uma tihid, saw dhibkasta oo kusoo gaadha diyaar uma tihid, diyaar uma aha”.

Waxa uu sheegay in shacabka aan jeel la galin doonin balse amaankooda la sugayo “Maxaa jeel loo galinayaa, waa inanka aanu cadowga ka ilaalino inankani, waa inanta aanu cadowga ka ilaalino inantani, waa hooyada aanu cadowga ka ilaalilo”.

Taliyaha ayaa sheegay in booliisku aanu yeelayn in qof isticmaalo dhiiga shacabka “Amniga anaga ayaa ka masuula, ma yeelayno, ilmo kamid ah Somaliland, hooyo kamid ah Somaliland, inan kamid ah Somaliland, wuxuu doono ahaadee, in qof dhiigiisa ku dhaashado”.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ka digan in xisbiyada mucaaradku ay si gaar ah ugu dabaaldagaan xuska 18 May, waxaanu sheegay in aanay marnaba ogolaanayn.

Madaxda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan ayla yeesheen qaar kamid ah dhalinyarada Hargeysa, balan kula galay in ay mudaharaadyo sameeyaan oo ay u diyaar garoobaan in ay xabada booliiska isku dhigaan haddii doorashada dib u dhac ku yimaado.

Leave a Reply