Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland oo ku Baaqay in si Midnimo ah loo Xuso 18 May

0
348

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala Digaale ayaa ugu baaqay dhammaan taageerayaasha ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland in ay si ballaadhan uga qayb qaataan Xuska Sannad Guuradda 31aad ee Maalinta dib ula soo noqoshada Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala Digaale ayaa waxa lagu sheegay in Xuska 18 May uu yahay maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka iyo dalka Somaliland. waxaana uu usoo jeediyay shacabka in ay u midoobaan maalinta qarannimada loo xuso si midaysan.

Waxa kale oo lagu sheegay Warsaxaafadeedka uu soo saaray Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland in uu ka soo hor jeedo in shacabka Somaliland lagu kala qaybiyo maalinta qaran ee Xuska 18 May, waxaana uu tilmaamay in loo baahanyay in si Midnimo ah loo muujiyo Maalinta qaranimada Somaliland.

Sidoo kale ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland waxa uu u rajaynayaa Shacabka Somaliland horumar barwaaqo, nabad iyo Midnimo. Waxaanu ILLAAHAY uga baryay bulshada reer Somaliland in uu sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

 

 

Leave a Reply