Waa la Heshiin ee Yaan Hal-hays Lagaa Reebin

0
222

Cumar Maxamed Faarax

Jamhuuriyadda Somaliland waxa dhaqan u ahayd in laga heshiin jiray khilaaf kasta oo siyaasadeed, aakhirkana la isku waafaqi jiray wixii dalka iyo dadka u dan ah.

Khilaafka ka taagan wakhtiga uu dhacayo liisankii xisbiyada iyo furashada urrurada cusub ee Siyaasadda, waxa ugu dambeynta lagu maareyn doonaa jidkii aynu ku soo nabad iyo caano maalay ee wadahadalka iyo fulinta sharciga la xidhiidhay. Waxana daruuri ah in aanay dhinacyadu ka tallaabin soohdinta cas oo aan uga jeedo in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya wadajirka iyo amniga guud, oo ah raasamaalka ugu weyn ee dalkani tabcaday 31kii sannadood ee la soo dhaafay, kaasi oo u baahan in si gaar ah loogu faro adaygo.

Waxase hadallada xanafta leh ee ay madaxda mucaaridka maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey ay ahaayeen qaar horseedi kara in cadowgii JSL ee dhoobada ku dheganaa uu dib hangalka ula soo kaco, kuna diirsan karo hadallada aan loo meel-dayin ee Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah oo si joogto ah ugu tiraabayey uur-ku-taalooyin aan loo baahnayn oo kala qoqobi kara bulshada ul iyo diirka ah ee reer Somaliland.

Waxa Murrashaxa xisbiga WADDANI gaadhay heer uu dhallinyarada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal, haddii la qaban waayo doorashada madaxtooyada 13ka November ee sannadkan, taas oo ka baxsan ujeeddooyinka aynu u samaysanay dimuqraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan.

Waxa kaloo ayaan darro ah in Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID uu u kala abtiriyey ummadda reer Somaliland, waxaanu Wasiirka Warfaafinta ku sheegay in aanu Hargeysa urur ka furi karin ee uu ka furto Talleex, isla markaana haddii qalalaase ka dhaco dalka uu u carari doono gobolka Xaysimo, taasi oo ka dhigan inuu bulshada deegaankaas aanu u haysan muwaadiniin dalka ku leh xuquuq la mid ah ta uu isagu ku leeyahay.

Waxa dhawaaqyadani qarracan ku yihiin ummadda samaha jecel ee reer Somaliland oo colaada iyo saameynteeda foosha xun waayo-arag ku ah, kana soo gudbay dabayaaqadii qarnigii 20-aad.

Rayul-caamka bulshada Somaliland way dhibsadeen hadallada naxli abuurka ah ee warbaahinta qabsaday maalmahan, waxana taasi ay dhalisay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi habeen hore ay boqolaal ka mid ah dadweynaha caasimaddu si xamaasad leh ugu soo dhaweeyeen faras-magaalaha Hargeysa oo uu dhex lugeeyey jidka badhtamaha gaar ahaan Saldhiga dhexe ilaa Khayriyada Hargeysa, taasi oo sawir togan ka bixinaysa xasiloonida ka jirta Somaliland oo aan dalal badani inala qabin.

Waxa mucaaridka looga fadhiyaa inay is xakameeyaan oo aanay gaadhin heer ay iclaamiyaan inay qabanayaan xaflado gaar u ah oo ay ku xusayaan sannad guurada 31-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland oo xuskeedu u qalmo in aynu wadajir u muunayno, kana fogaano wixii bulshada kala geynaya.

Maalmahan waxa baraha bulshada dib loogu baahinayey hadalladii siyaasiyiin mucaarid ah iyo mowqifkii ay hore uga aaminsanaayeen mudaharaadyada iyo dib u dhaca doorashooyinka xilli ay Xukuumaddii hore xilal ka hayeen, kuwaasi oo maantana taagan mowqif aad uga duwan oo dadweynuhu ay ka garsooreen marka la is barar-dhigo labadooda hadal oo aad u kala fog. Waxa guud ahaan siyaasiyiinta looga baahan yahay inay dhawrsadaan oo xalku wuu iman doonaaye aanay iyaga naanaysi raacin.

Dhallinyaradana waxaan leenahay hal-ku-dhegii Madaxweyne Daahir Rayaale ee ahayd “Xisbiyadu waxay xaq idiinku leeyihiin codkiina ee dhiigiina xaq idiinkuma laha.”

 

Leave a Reply