Xikmadaha

0
577
  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba kaalmee adiga oo jecel in aad caawisid.
  • Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee badh kaydso. Hana seexan hurdo badan oo dantaada ku seejisa.
  • Dadka meel ha kaga dhicin oo ha aflagaadayn.
  • Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u doonaysaa in aad arintaa ogaatid?
  • Isfahmid la’aan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
  • Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaankood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
  • Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xidho.
  • Wixii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaane. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof weligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.
  • Waligaa ha goynin xidhiidhka qof ku tusaya wanaag.

Leave a Reply