Xukuumadda Somaliland oo Farriin la xidhiidha xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May u Dirtay Ardayda

0
308

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ardayda ka qayb galeysa xuska maalinta Qarannimada JSL ee 18-ka May, ku adkeeyay in ay isha si gaar ah ugu hayaan cid kasta oo is leh sameeya xaalad amnidarro.

Sidoo kale waxa uu faray ardayda in ay soo bandhigaan dabaaldeg qurux badan, taas oo ay ka muuqato qarannimada, Qoomiyada, iyo waddaniyadii lagu yaqaanay bulsh0-weynta reer Somaliland.

Waxaanu yidhi “Qaran kasta iyo Qoomiyad kasta, aadame kasta oo nooli waxa uu leeyahay cadaw, waxa la rabaa markaa inta dabaaldegga xoriyada lagu jiro, dareeno fara badan ayaa jira, dabaaldega iyo inta ka danbaysaba dadkiina dhallinyarada ah ee iskuulada ku jira in aad isha ku haysaan wax alaale iyo wixii is leh amnidarro sameeya.

Waxa kale oo la rabaa in aad gaadh ka haysaan wax kasta oo Qarannimadeena ka soo horjeeda, hala soo bandhigo, dabaaldegi Qarannimadii, Qoomiyadii, waddaniyadii reer Somaliland”

Xuskan maalinta Qarannimada 18-ka May, ee 31-aad ayaa ah mid ka duwan qaabkii loo xusi jiray sannadihii hore, iyada dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay xarunta taalada Dal jirka Dahsoon ee diyaaradda, oo laga dhigay goob bulshadu ay ku nasato, isla markaana ay ku geli karaan sawiro.

 

Leave a Reply