Sidee looga xusay 18 May Magaaladii ay ku dhalatay madax-banaanida JSL ?

0
524

Marka la miisaamo qaabka abaabulan, agaasiman, isla markaana aan loo kala hadhin ee gobolada Somaliland looga xusay sanad-guurada 31-aad ee la soo noqoshadii madaxbanaanida iyo sida looga sheekeeyey sida ay ku timi ama taariikhda 18 May, waxaad isweydiin kartaa sidee ayaa looga dabaal-deggay magaaladii ay ku dhalatay 18 May 1991-kii.

Magaalo ay shacbigeedu xamaasadda iyo abaabulka arrimaha waddaniyada ku horeeyaan, lehna taariikh badan oo Halgan iyo xoriyad jacayl, loona yaqaano halka lagu tijaabiyo mashaariicda fulinta iyo dhismaha nabad-gelyada, mar kalena ahayd goobtii lagu dooxay dagaalkii hubaysnaa ee ay SNM ku xoraysay waddanka, haddana nasiib u yeellatay in loogu wanqalo midhihii ka dhashay naf-huridii mujaahidiinta, ayaa dareen wacdaro xambaarsan ugu dabaal-degtay xuska sanad-guurada 31-aad ee ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada gobanimadii ay somaliland ka qaadatay maxbiyaddii Ingiriiska 26 June 1960-kii.

Xubno kamida Golaha Wasiirrada ee xukuumadda, maamulka gobolka Togdheer, degmada Burco, madaxda hay’addaha kale ee dawladda ee heer gobol, xildhibaanno ka tirsan goleyaasha Baarlamanka iyo dad kale oo kamida labeenta Somaliland ayaa kumanaan shacab ah kala qaybgalay weynaynta xuska qaranka “reer Burco waa inay difaacdaan taariikhda ay leeyihiin ee 18 May”ayuu yidhi Wasiirka horumarinta deegaanka iyo cimilada Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo kamid ahayd madaxdii khudbada ka jeediyey fagaaraha isu soo baxa xuska 18 May ee Magaalada Burco.

Maamulka laamaha dawladda gobol iyo degmo iyo shacbiga ku dhaqan magaaladaasi oo ay hogaaminayaan ururrada bulshadu, ayaa dabaal-degga ku soo bandhigay waxkasta oo ay u arkayeen inuu samaynayo bilic iyo taariikh.

Gamaanka fardaha iyo gaadiidka wershadaha oo lagu sharaxay wax kasta oo korkooda qurxinaya, ayaa ka qayb-qaadanayey isu soo baxyada.

Ciidamada kala duwan ayaa dhoola-tus ku sameeyey fagaaraha.

Guud ahaan gobolka Togdheer ayaa lagu soo waramayaa in degmooyinkiisa lagu qabtay munaasibado lagu xusay munaasibada 18 May.

Kaga bogo warbixin Muuqaalkan hoose:

Farqiga u dhexeeya sidii ay ahayd magaalada Burco maalintii lagu go’aamiyey Dib ula soo noqoshada xoriyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo maanta oo 31 sannadood ka soo wareegeen, ayaa ah tusaalaha nool ee natiijada laga dhaxlay gooni-isu-taagga iyo dhismaha dawladnimada qaan-gaadhay ee marxaladaha kala duwan ka soo dabaalatay.

Leave a Reply