“Ninka Af Qabiil ku Hadlaya ee leh Sow Ii Dagaalamimaysaan Siduu Bulsho U Hoggaamin Karraa?”Wasiir Saajin

0
417

Borama (Dawan) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo warshada   Somaliland  mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa su’aal galiyay sida nin af Qabiil ku hadlaya oo leh sow ii dagaalamimaysaan uu bulsho u hoggaamin karro.

Sidoo kale waxa uu nasiibdarro ku tilmaamay safarkii musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, ay ku tageen magaalada Borama, waxaanu tilmaamay in iyada oo aan la gaadhinba xilli doorasho ay asxaabta mucaaridku jiif iyo joogba diideen, balse bulshada Somaliland ay ka kortay cid aan dantooda wadin in ay dhib u horseedo.

Waxa uu xusay iyada oo duruufo badan oo kala duwan dalka ka dhaceen haddana in xukuumadda talada dalka haysa guulo badan gaadhay.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xuska sannad guuradii 31-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii xoriyada Somaliland 1991-dii 18-kii May.

Waxaanu yidhi.“Walaalayaal caasimada labaad barri hore ayaad noqoteen ee ma imikaad noqonaysaan, Somaliland way 31 jirsatay, maalmo dhaweyd waxa dhacaysay haddii aan anigu xukunka waayo sow dagaalamimaysaan, haa, kuwa kale oo leh ilmaadeer ayaanu nahay ee Ina Koorow haddii ay halkan ka dhacdo waad carari doonta, haddii uu sidaas yidhi muxuu shalay meesha ka soo doonay, ma doorasha taagan, 18 May ayaa loo dabaaldegaye maxay shalay xisbi ahaan ugu yimaadeen? Waa nasiibdaro, Somaliland waxa way ka waynaatay, Somaliland 31 sano ayay jirta, Somaliland ninka ku canamaalay ee haddana sidaas u hadlaya waa nasiibdaro.”

Waxa uu sheegay in nin Af Qabiil ku hadlaya oo leh ii dagaalama in aanu bulshada hoggaan u noqon Karin.“Walaalayaal raga sidaasi u hadlaya waa kuwa doonaya inay waddanka hoggaamiyaan, ninka af qabiil ku hadlaya ee leh sow ii dagaalamimaysaan siduu bulsho u hoggaamin karaa?”

Dhanka kale waxa uu sheegay in iyada oo dalka duruufo adagi ay soo mareen haddan xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay guulo badan gaadhay.“Xannuunkii Covid-19 ayaa ina saameeyay, dhulba gubtay, haddana maansha ALLAH ayaynu ku jirnaa”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in asxaabta hadda jira ay xisbiyo ku noqdeen ururo.“Ragga maalintii dhaweyd hadlayay urur ayay wax ku noqdeen, asxaabta ay sheeganayaan ururo ayay ka yimaadeen, shuruucdeenu waxa ay ina faraysa 10-kii sannaba in hal mar urrurada la furo, nina sharciga kama sarreeyo, aniguba waan jecla in ay 13-ka November dorashadu dhacdo, balse kama sarreeyo sharciga, sharciguna maalintii uu ogolaado ayaa la gaadhi doonaa, ninka maanta urur furtay kama xigaan kuwii hore, xisbigaygu waxa uu noqon doona urur, waana la tartami doonaa,”

Haddalkan wasiirka ayaa imanay xilli maalin ka hor dabaaldegi maalinta Qarannimada Somaliland, ee 18 May, ay madaxda asxaabta mucaaridku ay safar ku tageen magaalada  Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyaga oo sheegay in ay gooni u xusayaan maalintan, balse arrintaasi ay bulshada ula muuqato hal bacaad lagu lisay.

Leave a Reply