“Qarankan aan ka wada tirsanahay aan u midowno dantiisa,  innaga oo xisbiya Qaran ahna si Miyir qabta aan isugu nimaadno”Wasiir Kaahin

0
414

Hargeysa (Dawan)    Xukuumadda Somaliland, ayaa si cad u sheegtay in bulshada ay u damaanad qaadayso in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka siyaasiga ah ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka, diyaarna ay u yihiin in wada hadal ay la furaan asxaabta mucaaridka ah.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidan ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay xuskii munaasibada 18-ka May ee ka qabsoontay xarunta aqalka madaxtooyadda.

Kaahin waxa kale oo uu sheegay inkasta oo xisbiga talada dalka haya uu mucaaradnimo soo maray haddana in si miyir qabta la isugu yimaado.

Waxaanu yidhi.“Waxa kaliya ee aan xusaya waxa weeyi, habeen saddexaad waanu isu nimid , dabcan xisbiyadu aragtida fikirka, qaab maamulka way ku kala duwan yihiin ceebna maaha.

KULMIYEHAN maanta talada haya ayaa isaguba xisbi mucaarid ah soo maray, waxa aanu isla garanay Qarannimada maalinteedana inla xuso afkaaraha aynu kala qabno iyo dareemada aynu kala qabnana in aynu si miyir qabta inaga oo xisbiyo Qaran oo walaalo ah aynu isaga nimaadno oo uga wada hadalo.

Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi madaxda ka yihiin waxa ay diyaar u yihiin, bulshadana u balanqaadanayaan waxa ay idinka damaanad qaadayaan inay diyaar u yihiin in xisbiyada Qaranka haddii laga wada hadlaayo arrimaha siyaasada, haddii laga wada hadlaayo arrimaha doorashooyinka, haddii laga wada hadlaayo arrimaha ururada siyaasiga ah ee furmaya, qawaaniinta, distoorka, sharciyada ka dheegma ee Qarankani uu ku dhaqmo iyada oo taas la raacayo waxa aanu diyaar u nahay, si milgaleh, sharaf leh, deganaansho leh, in la isaga yimaado oo laga wada hadlo, iyagana waxa aanu la jecelahay in aanu ta ka midowno, dabadeedna aan isaga nimaadno, Qarankan aan ka wada tirsanahay una midowno danta Qaranka,”

Leave a Reply