“Madaxweyne inta aad talada ka qaadanaysa yaanay noqon talo xumaalaha”Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

0
497

Hargeysa (Dawan)    Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, mudane Cabdirisaaq Khaalif Axmed, ayaa madaxweynaha u soo jeediyay in inta uu talada ka qaadanaya aanay noqon tallo xumaalaha, isla markaana   kula taliyay in uu u guntado xalinta khilaafaadka, iyo sixida waxa qaldan.

Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in duruufaha waddanka madaxweynuhu ku wajaho, waayeelnimo, odaynimo iyo ururin.

Asxaabta mucaaridka waxa uu ugu baaqay haddii ay wax tabanayaan in ay maraan dariiqkasta oo wixii tabashadooda ah wax lagaga qabanayo, balse aanay habboonayn in markasta wuxuun la dhalliilo.

Waxaanu yidhi.“Madaxweyne waxa la doonaya duruufaha dalku marayo in aad ku wajahdo, waayeelnimo, odaytinimo iyo ururin, xilkaasi aduu ku saran yahay.

Madaxweynaha waxaan kula dardaarmaya inta uu talada ka qaadanaya inaanay noqon talo xumaalaha, inay noqoto, inta maalinta ay u arkaan in uu khaldan yahayna odhan karta waar fadhiiso, marku qaldan yahayna garnaqsan karta gole gayn karta aragtidiisa iibin karta”

Guddoomiye Cabdirisaaq waxa uu si gaara fariin ugu diray asxaabta mucaaridka ah.“Madaxda xisbiyada waxaan leeyahay gunimo maaha qofku in uu danguud iyo umadda maslaxadeeda uu dan qaata maaha ceeb, waa sharaf, waa guul, waa gobanimo.

Madaxda asxaabta Qaranka waxaan iyagana leeyahay, oo aan u soo jeedinaya marka ay duruufahan oo kale yimaadaan, haddiiba ay wax tawdaan ceeb maaha inay yidhaahdaan oo albaab kasta garaacaan oo yidhaahdaan waar hanala kala qabto, waxaynu u baahanahay hadalada dhiilada leh in aynu aad isaga ilaalino”

Waxa uu tilmaamay in maalin walba eedeeda cid aan lahayn dusha laga saaro, in aanay wax weyn kordhinayn.“Waxaan maqla iyada oo hadal badan loo jeedinayo shacabka, shacabkuna waxa ay doorteen inta madaxda u ah ee golayaasha Qaranka ku jirta, xilkuna iyagu saran yahay, maalin walbana eeda cid aan lahayn in dusha laga saaro oo eeda loo jeediya wax weyn kordhinmayso,”

Leave a Reply