Wefdi Ka Socda JSL Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Xafiiska Raysal-wasaaraha UK

0
492

London (Dawan)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland oo iyaga iyo wefti ay hogaaminayaan ay ku sugan yihiin dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inay kulan la yeesheen masuuliyiin sare oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha dawladda Ingiriiska Md. Boris Johnson.

kulan oo shalay qabsoomay, isla markaana aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay danaha labada wadan.

kulanka oo dhinaca Somaliland ay ka qeybgaleen Wasiirka arrimaha dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo la taliyaha Hay’adaha ee Madaxweynaha JSL Mr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa fariin uu kulanka ka dib bartiisa Twitter ku baahiyey ku sheegay, u”Wefdi xukuumada ah oo u hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska. la taliyaha Madaxweynaha Mr. Jaamac ayaa qoraalkkiisa sii raaciyey, “wuxuu ahaa kulan muhiim ah, wax badan oo cusub ayaa dhowaan iman doona.”

Mr Jaamac ayaa bogaadiyey Xildhibaan Gavin williamson & Tom Tugendhat iyo cid kastoo kaalin la qaadatay qabsoomida kulanka. dhinaca kale wefdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr Ciise, qeybna ka yihiin Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Selef iyo gudoomiyaha hay’adda Tayadda Md. Muuse ayaa kala qeybgalay xuska dabaaldega 31 guurada maalinta qaranimada jamhuuriyadda Somaliland ee 18 may. munaasibada xuska ayey sidoo kale ka soo qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ingiriiska.

 

 

Leave a Reply