Dawladaha Somaliland iyo Kenya oo Heshiis Hor-dhac ah kala Saxeexday

0
277

Nairobi (Dawan)- Shirkada Boostada ee dalka Kenya ayaa heshiis is afgarad ah la saxeexatay adeega Boostada ee wasaaradda is-gaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiska Is-afgaradka ayaa la sheegay inuu sahli doono iskaashiga dhinacyada danta labada dal ee habaynta iyo gudbinta waraaqaha caalamiga ah, is-dhaafsiga aqoonta iyo xalalka cusub ee Kenya, Somaliland iyo dalalka kale ee Afrika.

Sida ku cad heshiiska, labada Adeegga Boosaha waxay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan socodsiinta soo galitaanka, dhoofinta iyo waraaqaha xudduudaha; gaadiidka boostada, isweydaarsiga xogta elektarooniga ah (EDI); samaynta shirkad wadaag ah; aqoon iyo tababar is dhaafsi iyo kala wareejin. Ururadu waxa kale oo ay isla garteen in si wada jir ah loo sameeyo xarumo lagu kala saaro waraaqaha.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta Boosaha (PCK) ee magaalada Nairobi, waxa goob joog ka ahaa Joe Mucheru, Xoghayaha Xukuumadda Kenya ee Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta, Hal-abuurka iyo Arrimaha Dhallinyarada iyo Sharmake Gele oo ah safiir ku xigeenka Somaliland ee Kenya.

Dan Kagwe, ayaa u saxeexay heshiiska is-afgaradka dhinaca Boosaha Kenya, halka Yuusuf Warsame Xasan oo ah Agaasimaha Guud ee Boostada Somaliland uu u saxeexay magaca Boostada Somaliland.

“Kenya waxay si buuxda u taageertaa is dhexgalka dalalka gobolka Bariga Afrika, oo hadda ay ku nool yihiin dad ka badan Yurub. Is-afgaradkan wuxuu wax badan ka tari doonaa xoojinta isdhexgalka adeegyada boostada ee gobolka,” ayuu yiri Mucheru.

Safiir Mr. Sharmaarke Geele ayaa sheegay in heshiiskani u saamaxayo Somaliland fursad ay ku heli karto marin adag oo isku xidhka caalamiga ah.

“Saxiixa iskaashigani waxa uu Somaliland siinayaa albaab weyn oo aan ahayn dalalka Bariga Afrika oo keliya balse adduunka intiisa kale,” ayuu yidhi.

 

 

 

Leave a Reply