KULMIYE Waxa uu u Taagan Yahay Midnimad JSL

0
179

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay guulihii is daba jooga ahaa ee uu gaadhay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE labaatankii sannadood ee uu jiray, kaas oo talada dalka hoggaaminayay laba wakhti doorasho oo is xiga.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal loogu dabaal dagayay sannad guurada 20’aad ee kasoo wareegtay markii la as aasay xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxaanu mahad naq ballaadhan u jeediyay bahweynta iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Mudane Cabdiraxmaan oo arrimaahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ugu horrayn mahad oo dhammi waxay u sugnaagtay ILLAAHEENA wayn ee inagu galladay nimcooyinka faraha badan ee ay ugu horreeyaan caafimaadka nabadda iyo degenaashaha oo ay ka mid tahay in aynu maanta isugu nimaadno madashan bilan ee qurunda badan.”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan u mahad naqayaa bahweynta iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo aan u hambalyeeyo kuwaasi oo muddo labaatgan sannadood ah si hagar la’aan ah hiil iyo hooba ula garabtaagnaa guulaha iyo horumarka xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo uu u mahad naqay madaxweyihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweynaha hadda talada dalka haya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay midnimad iyo horumarinta jamhuuriyadda Somaliland, ujeedadiisa ugu weyn ee uu higsanayaana waxa weeye dhismaha iyo taabbo-gelinta qaran dimuquraadi ah oo leh hanaan iyo haybad dawladnimo oo ay ku naaloodaan muwaadininita reer Somaliland.

Xisbiga KULMIYE waxa uu kaalin mug leh ku lahaa geedi socodka doorashooyinka wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan doorashooyinkii kala duwanaa ee ka soo qabsoomay dalka. Sida taatiikhdu markaahti ka tahay xisbiga KULMIYE waxa uu taariikho dhaxal gal ah ka soo hooyay dhammaan doorashooyinkii dalka ka dhacay” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxaanu intaasi raaciyay “Xisbiga KULMIYE waxa uu guulo dhaxal gal ah ka soo hooyay dhammaan doorashooyinkaasi dalka ka soo qabsoomay, xisbiga KULMIYE haatan markii labaad ah xisbi xaakim waxa uu talada dalka ku hantay kalsoonida bulshada reer Somaliland iyo bisayl siyaasadeed, isaga oo mar kasta kaashanaya dulqaad, talo-wadaag, tudhaale iyo tanaasul.”

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu intaasi raaciyay “Waxaan si kalsooni leh u odhan karaa guulaha Xisbiga KULMIYE gaadhay horsed u yihiin in ay saldhig u yihiin marxaladaha dawladnimo iyo kuwa horumar ee aynu maatna qaran ahaan ku taagannahay. Muwanayaal iyo marwooyin midnimad iyo wada-jirku waa waxa kaliye lagu gaadhi karo ama ummadi ku horumarto, hadaf kasta iyo himilo kasta oo aynu leenahay waxaynu ku gaadhi karnaa isku duubni iyo inaga oo ka midawna horumarka qarankeena.”

 

 

 

Leave a Reply