Waxaan Garwaaqsadey Xeradeydaa (KULMIYE) Xero Dhaanta In Aanan Heleyn” Siyaasi Maxamuud Xaashi

0
683

Hargeysa (Dawan) Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye   taageero aad u balaadhan ka hasto Shacabka Somaliland. Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu intaasi ku daray in xisbiga Kulmiye  labo  muddo  xileed ku guulaystay Madaxtooyadda  dalka,isla,markaana labo Madaxweyne ka soo baxeen.

Maxamuud Xaashi ayaa sidan ka sheegay  hadal uu ka jeediyay Munaasibad shalay lagu xusayay Xuska sannad guurada 20aad ee aasaaska Xisbiga Kulmiye.Waxaana uu  yidhi”Waa xisbiga ugu nasiibka badan Xisbiyadda Somaliland Xisbiga Kulmiye,waxaana uu ka mid yahay Xisbiyadda Afrika ee cimrigoodu dhaafay  20 sannadood Qaarada Afrika,xisbiga Kulmiye waa xisbiga haysta taageerayaasha ugu balaadhan jamhuuriyadda Somaliland,waa xisbiga kaliya ee labo  muddo  xileed ku guulaystay Madaxtooyadda  dalka ee labo Madaxweyne ka soo baxeen.waana xisbi waayo aragnimo badan leh waa Xisbiga  ugu loolanka iyo damaca badan,hadana waa  Xisbiga ugu xariifsan in uu xaliyo khilaafka  gudihiisa,Xisbiga Kulmiye  80 cod ayuu kaga tagay tala dal  ee ay la  yaabeen reer  Galbeedkii  Dimuqraadiyada abuuray”.

Sidoo kale Maxamuud Xaashi ayaa waxa sheegay in qaran kani ku soo  meel maray dulqaadka  hogaamiyayaashii  Xisbiga Kulmiye.Waxaana uu yidhi”Qaran kani wuxuu ku soo  meel maray dulqaadka iyo tudhaalaha hogaamiyayaashii  Xisbiga Kulmiye,waa xisbiga kaliya ee afar shirweyne iyo lix shir gole dhexe.waxa aan garwaaqsaday in Xisbiga Kulmiye wax iidhaama in aanu jirin hadaan xero cusub  tago in aan  koradhsan doono hebel magacii. Madaxweynaha Somaliland waxa uu garwaaqsaday in ragiisa urursado  oo isku keeno waa masuuliyad  iyo xil  saaran,kama arag cadho iyo  ciilqab aniga ayaaba naq badnaa Maxamed Kaahin waanu islaab xaadhanay.ragu wuu isqabtaa Kulmiye ayaan ahay kamana  bixin  Siyaasada qosol iyo qurux joogta  malaha,waana laga wada  xaalaa”.

 

Leave a Reply