Ururadii Waa la Furaya Kulmiye na One-ka Ayuu Galayaa

0
255

Hargeysa (Dawan)- Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) ayaa sheegtay in la furayo Urrurada Siyaasadda, isla markaana dhawaan ay dalka ka qabsoomi doonto tartanka doorashada urrurada Siyaasadda, waxaanay tilmaantay in doorashadaasi soo socoto uu Xisbiga KULMIYE geli doonto kaalinta koowaad.

Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal loogu dabaal dagayay sannad guurada 20’aad ee kasoo wareegtay markii la as aasay xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxaanay sheegtay in taariikhdas doorashooyinka Jamhuuriaydda Somaliland uu xisbiga KULMIYE ka gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana doorashada inagu soo fool leh oo furista urrurada siyaasadda uu xisbiga KULMIYE kaalinta koobaad ka geli doono.

Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) waxa kale oo hambalyo iyo bogaadin u dirtay bahweynta iyo gaageerashaasha laxaadka leh ee xisbiga KULMIYE, waxaanay tidhi “Waxaan salaamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, golihiisa xukuumadda iyo hoggaanka xisibga KULMIYE, waxaan salaan qaaliya u dirayaa haween weynaha iyo dhalinyarada xisbiga KULMIYE.”

Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) waxa ay intaasi ku dartay “Waxaan salaam ballaadhan iyo mahad naq idiinka sidaa madaxweynaheeni hore mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweynaheeni hore mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu si gaar ah salaam ugu soo diray dhalinyarada iyo haweenka KULMIYE, sidoo kale waxa uu u soo ducaynayaa dawladda Somaliland, Madaxweynaha iyo guud ahaan qaranka ba.”

Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) waxa kale oo ay intaasi raacisay “Sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin u jeedinayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland ee jecel horumarka iyo dimuquraadiyadda, waxaan guubaabinayaa bahweynta iyo taageerayaashas xisbiga KULMIYE, waxaan ku guubaabinayaa reer KULMIYE in qarannimada ay u heelan yihiin ay halkaas ka sii wadcaan oo ku sii taagnaadaan lexojeclada ay qaranka u ahayaan.

Waxaan ku guubaabinayaa reer KULMIYE, urruradii waa la furay, urruradii siyaasadana waa la furay, sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sheegay taariikhda doorashooyinka KULMIYE wuxuu geli jiray wanka ama kaalinta labaad, markaa waxaan idinku guubaabinayaa in KULMIYE kaalinta koobaad galo.”

 

 

 

 

Leave a Reply