Guddoomiyaha Baanka Waxaan ku Bogaadinayaa Degenaanshaha Sarifka

0
176

Dalkasta oo ka mid ah Dalalka Caalamku wuxu leeyahay Astaamo Qaranimo oo dhamaan ay ka midaysan yihiin Dalalka Caalamku, Astaamahaasina waxay kala yihiin sedex qodob oo u duwaan gashan oon dalna dalkale la wadaagin waana Calanka Dalkaasi, Xuduudka Dalkaasi iyo Lacagta Dalkaasi.

Sidaasi awgeed Dalkeenan Somaliland wuxu kala mid yahay Dalalka Caalamka Astaamaha Qaranimada e Dalkastaba leeyahay.

Sidaasi darteed sida ku cad Qodobka seddex iyo tobnaad ee Dastuurka Qaranka waxa waajib sharciya inaynu Daryeelo Lacagta Qaranka Somaliland ee Somaliland Shillin

Hadaba waxan leeyahay Shacabka Somaliland iyo Guud ahaan waaxyaha Dowladda Somaliland ee Xukuumada, Baarlamaanka, Garsoorka iyo dhamaan QAYBAHA Bulshada ee Ganacsatada, Sariflayaasha Baananka Ganacsiga ee Gaarka ah ee ka Shaqeeya Somaliland waa waajib inaynu Isticmaalo Lacagta Qaranka Somaliland sidoo kale waa waajib inaynu Daryeelno Noodhadhka Lacagta Qaranka waayo hadii aan la isticmaalin Lacagtu waxay noqonaysaa inay ka baxdo Saaxada ku Ganacsiga ee suuqyada Dalka Somaliland.

Gabagaba mowduucan Daryeelka Lacagta Qaranka Somaliland waxan hal Qodob oo Talo gudbin muwaadin ah usoo jeedinayaa MAAMULKA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND GUDOOMIYAHA BAAANKA DHEXE GUDOOMIYE KU XIGEENKA IYO AGAASIMAHA GUUD EE BAAANKA DHEXE SOMALILAND Waxanan waan idinku Bogaadinayaa Horumarka Dhismaha Qaybaha Baanka iyo Degenaanshaha Sarifka Lacagaha Qalaaad intii aad Hogaanka Baanka Dhexe Qabateen,

Waxanse Talo ahaan idiinku Adkaynayaa inaad Qorshe u samaysaan Lacagta Electroniga ee Zaadka Shillin iyo Edahab Shillin oo wakhtigan aad moodo inay Suuqa wareega Lacagta ee kaashka ahi ay aad iyo aad u naafaysay oo Bulshadii ay sababteeda leedahay waxan leeyahay Gudoomiyaha Baaanka Dhexe Gudoomiye, waa in Baanka Dhexe Keeno Control Mishiin ah Eletronic money sida Baanka Dhexe ee Kiiniya.

Sidoo kale waa in Shacabka Somaliland Baanku u diyaariyo Barnaamijyo Wacyigalin ah hadii ALLAH yidhaa sidaa iyo wadashaqayn WABILAAHI TOWFIIQ ALLAH MAHADLEH

BY.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA

 

 

Leave a Reply