Barcelona oo Aqbashay inay Joojiso Damacii ka Hayey Ousmane Dembele

0
310

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka quusatay xiddigeeda garabka midig ee weerarka ee Ousmane Dembele, waxaanay joojisay wada-hadalladii ay marba dib u furaysay ee ay isku dayaysay inay ku qanciso inuu heshiis cusub saxeexo oo uu sii joogo Camp Nou.

25 jirkan oo qandaraaskiisa Barcelona uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa xor ah u inuu iskaga tago Camp Nou, hase yeeshee marna kooxdu kama aanay quusan waxaanay isku dayayeen inay ka saxeexaan heshiis cusub oo si weyn hoos ugu dhigaya mushaharkiisa.

Maalmo ka hor ayaa xogo la helay ay sheegeen, in 95 boqolkiiba ay Barcelona fursad u haysato inay heshiis la saxeexato Ousmane Dembele, hase yeeshee wax walba ayaa  hadda isbeddelay sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa magaalada Barcelona.

Madaxweynaha Barcelona iyo tababare Xavi Hernandez ayaa hadda isla qiray, in aanay suurtogal u ahayn kooxdooda inay qancin karaan Dembele oo bishii January ay ku qasbayeen inuu iska tago haddii aanu heshiis cusub saxeexayn, laakiin bandhig heersare ah oo uu sameeyey bilihii ugu dambeeyey ay maamulka kooxdu go’aansadeen inay wax walba u sameeyaan.

Xiddigan ku guuleystay Koobka Adduunka oo haddana rajo ka qaba in xulka qaranka Faransiiska lagu dari doono Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qaban doono waddanka Qatar ayaa la sheegay in uu si cad dhabarka ugu jeediyey naadigiisa oo uu ka tegayo.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay suurtogal tahay inuu u wareego Paris Saint-Germain, waxaase jira kooxo badan oo kale oo Premier League, Bundesliga iyo Serie A iskugu jira oo doonaya saxeexiisa.

Leave a Reply