Liverpool oo Laba Jeer Wada-hadallo la Yeelatay Mbappe iyo Jawaabtii ay Kala Kulmeen

0
293

Ka hor intii aanu go’aanka ku gaadhin inuu sii joogo kooxdiisa Paris Saint-Germain, Kylian Mbappe ayaa laba jeer wada-hadallo la yeeshay Liverpool oo doonaysay inay si bilaash ah kula soo wareegto, inkasta oo ay haystaan ciyaartooyo badan oo afka hore ee weerarka ah.

Kylian Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda reer Spain ee Real Madrid ka hor intii aanu go’aanka ku gaadhin inuu sii joogo Parc des Princes.

Liverpool ayaa si gaabis ah uu magaceedu dhawr jeer ugu soo baxay liiska kooxaha lala xidhiidhinayo Kylian Mbappe, hase yeeshee waxa fagaareyaal ka qirtay inuu doonayo tababare Jurgen Klopp oo la dhacsanaa laacibkan oo isaguna dhinaciisa ka sheegay inuu Klopp taageere u yahay.

Shi jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Paris oo uu arrimo badan kaga hadlay ayaa waxa uu ku dul-istaagay Real Madrid iyo sidii uu go’aanka ugu gaadhay inuu sii joogo PSG, waxaana uu sidoo kale soo qaaday Liverpool oo uu xaqiijiyey inay laba jeer wada-hadleen.

“Anagu (Mbappe iyo Liverpool) waanu wada-hadalnay laakiin ma ahayn waqti dheer. Inyar ayaanu wada-hadalnay.” Ayuu Mbappe u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa UK.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey: “Waan la hadlay Liverpool sababtoo ah waa kooxda ay hooyaday taageerto, hooyaday ayaa jecel Liverpool. Ma garanayo sababta ay ku jeclaatay, iyada ayaanay tahay in aad weydiisaan.

“Waa koox wanaagsan oo aanu kulnay shan sannadood ka hor. Markii aan joogay Monaco waan la kulmay, waa koox weyn.”

Leave a Reply