Farxadda Iyo Murugada Qofka!

0
279

Oohintu waa  oo hab dabiici ah (natural process ) oo qofka ku dhacda marka uu dareeemo xanuun dhinaca jidhka ama maskaxda ah (psychologically or physically).  Awoodda maskaxda ayaa ah mid kala soocaysa noocyada xanuunka taasi oo aanu jidhku awood u lahayn, haddana sida ay cilmi baadhis kala duwani cadaysay jidhku wuu raacaa xanuunada nafsaaniga ah sidaas darteed qofka ayaa oohin bilaaba haddii uu murugoodo ama uu ka jabo gacanta ama lugta ama si kaleba ay ugu dhacdo xanuun aanu adkaysi u lahayn.

Labadan xanuun oo kala duwan haddana mid kasta waxa uu ka muuqanaya jidhka sare, waxaana qofku ku  muujiya Oohinta, iyadoo uu jiro dareen muuqaal oo dadka tusa niyad jabka ka muuqda qofka. Dhinaca kalena daraasaddu waxay cadaysay in oohintu ay qofka ka yarayso xanuunka iyadoo siisa waxooga degenaansho ah. Waxa kale oo iyana jirta in qofku  marka uu aad u farxo iyana uu ooyo, waxaana isku mid noqonaya in qofku farxadda xoogan iyo murugada weyn labadaba uu kaga jawaabo oohin. Waxaana taasi u sababa ah isagoo mar walba jidhku u baahan yahay inuu muujiyo dareenkiisa hoose si dadku u arkaan laa heerka uu gaadhsiisan yahay dareenkaasi.

Oohintu waxay jidhka ka caawisaa inuu iska saaro sunta iyo hoormoonada jidhka ka soo baxa ka dib murugada iyo xanuunka. Habdhiska jidhka u qaabilsan saaridda ilmadaasi ayaa ku yaalla dhinaca debedda ee Isha  sidaa awgeed marka qofku oohinta bilaabo ayuu Sankuna raaca isagoo biyo keenaya isaguna.

Leave a Reply