Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Netherland oo u dabaaldegtay xuska 18-ka Meey

0
263

Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands ayaa isugu soo baxay xuska 18-ka Meey oo ku asteeysan munaasabadda 31 guuradii ka soo wareegatay markii Somaliland la soo laabatay madax-banaanideeda.

Munaasabaddan, oo ka dhacday Magaalada Utrecht, waxaa hoolkii lagu qabtay soo buuxiyay qeybaha kala duwan bulshada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands, waxaana khudbado isugu jiray halgankii loo soo galay in dhidibada loo taago Somaliland & nabadda dadkeedu ay maanta ku naaloonayaan ka soo jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale & Guddoomiyaha jaaliyada & Guddoomiyaha ururka Nomad C/raxmaan Barre.

“Maanta, waa maalin ku weyn quluubteena, waxaan u dabaaldageynaa xuska 31 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay dib ula soo wareegtay xornimadeeda, anigoo fursaddan ka faa’ideysanaya waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Xisbiyadda & dhammaan shacabka Somaliland” Ayuu yiri Wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale.

Maxamed Ismaaciil Dhimbil [Maxamed Suufi] oo ka tirsan Hay’adda dhowrista tayadda Somaliland [Somaliland quality control commissioner] oo ka mid ah aqoonyahanadii madasha ka hadlay, wuxuu ammaanay horumarka dowliga ah ee Somaliland ey ku tillaabsatay, isaga oo intaasi raaciyay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii ay ku heli laheyd ictiraafka caalamka.

“Maanta waa maalin ku asteysan Qaranimada Somaliland waxayna ku gaartay nabadda & dimuqoraadiyadda ay ku soo caana-maashay” Ayuu yiri Maxamed Suufi, isaga oo intaasi raaciyay.

“Shuruudihii duniddu ku qiimeyn laheyd waddan ictiraafkii Somaliland way soo buuxisay, waxayba wax badan dheertahay waddamo badan oo Afrikaan ah, oo dimuqoraadiyada Somaliland ku caana-maaleeyso muddadii ay jirtay dalal badan baysan ka jirin”

Maxamed Axmed Cigaal oo ka mid ah odayaasha Jaaliyada Somaliland waddanka Netherland, oo ka mid ahaa waxgaradkii madasha ka hadlay wuxuu u mahadceliyey dadkii xafladda soo qabanqaabisay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhismaheeda dhib badan laga soo maray.

“Annaga maxaa inala gudboon haddii aan nahay jaaliyadda Somaliland.? waa in aynu ka baxno qabaa’ilka iyo arrimaha hoose, marka aan halkan joogno Somalilander isku duuban beynu nahay” Ayuu yiri Maxamed Axmed Cigaal.

Xiis Maxamed Cige, isna wuxuu sheegay in Somaliland haysato aqoonsigii ALLE, dadkeeduna ay yihiin ummad isku duubban.“Hannaanka dowladnimo ee Somaliland oo ku dhisan hufnaan & dimuqoraadiyad

31 sanno jirsatay waxay mudan tahay ictiraaf, waxaana ku kalsoonahay in Somaliland aanu ictiraafka meel fog u jirin” Ayuu yiri Xiis Maxamed Cige, isaga oo u mahadceliyay madaxda Somaliland oo horreeyo Madaxweynaha, madaxda xisbiyada & shacabka Somaliland dulqaadka & isku duubnida ay muujiyeen.Afhayeenka Jaaliyada Saciid Xassan Xaaji oo barnaamijka caawa xiririnayay ayaa dadkii munaasabada ka soo qeybgalay la dhaceen murtida & maada afkiisa ka soo burqaneysay, isaga oo dadka reer Somaliland ku boorinayay in ay adkeeyaan midnimadooda, kuna soo xirmaan Jaaliyadda ay waddankan ku leeyihiin.

“Insha ALLAAH sannadan sannadka xiga Somaliland oo caalamku ictiraafay ayeeynu u dabaaldageynaa” Ayuu yiri Saciid Xassan Xaaji.

 

Fanaaniin ka tirsan hobolada Somaliland ee ku dhaqan Netherland ayaa ku madadaalinayay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay heeso  u badan waddani.

Leave a Reply