Barcelona oo Go’aamisay Qiimaha ay ku Iibinayso Frenkie de Jong

0
234

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan ka gaadhay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Frenkie de Jong oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ku jiraan Manchester United, Manchester City iyo Paris Saint-Germain, kaas oo uu tababare Xavi Hernandez hore ugu dooday inuu muhiim u yahay kooxdiisa.

Barcelona oo horraantii bishan €20 milyan oo Euro ku iibisay Philippe Coutinho oo si rasmi ah ugu biiray Aston Villa oo uu amaah ugu maqnaa, ayaa  waxay haddana aqbashay inay fasaxdo Frenkie de Jong.

25 jirkan oo ahaa ciyaartoyga loogu hadal-haynta badan yahay Barcelona xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu safka hore kaga jiray liiska xiddigaha uu doonayo tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag oo qorshaynaya inuu bud-dhig uga dhigo dhismaha Red Devils.

Ten Hag oo hore  laacibkan ugu soo tababaray Ajax ayaa ku riixaya Manchester United inay wax walba u sameeyaan sidii uu laacibkani ku iman lahaa Old Trafford, waxaanu doonayaa inay kaga horreeyaan Paris Saint-Germain iyo Manchester City oo iyaguna doonaya, sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo.

Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso laacibkan oo ah mid ka sarreeya lacagtii ay kusoo iibsadeen saddex sannadood ka hor, taas oo kooxda la timaadda ay si toos ah ugu wareejinayaan kubbad-sameeyahan.

Lacagta ay Barcelona dalbanayso ayaa ah €80 milyan oo Euro, waxaanay labada kooxood ee loollanka ugu badan uu ku dhex-mari doono 25 jirkan ee Manchester United iyo PSG laga doonayaa in ay la yimaaddaan.

Dhinaca kale, Frenkie de Jong ayaa la sheegay in uu doonayo inuu ciyaaro Champions League, taasina waxay dhibaato ku tahay Manchester United, halka PSG ay u tahay war farxad leh oo dhinacooda u dhoweynaya laacibkan.

 

Leave a Reply