Xukuumadda oo Raashin u Qaybisay 162 Qoys

0
349

Hargaysa (Dawan): Haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland ayaa shalay magaaladda Hargaysa raashin caawimo ah u qaybisay dad isugu jiray qoysas danyar ah iyo dad hore u tahriibay oo laga soo celiyay wadamo shisheeye.

Raashinkaasi caawimadda ah waxaa iska kaashaday haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland iyo haayadda IOM iyo haayadda NDRA.

Dadkan raashinka loo qaybiyay oo ay tiradoodu dhan tahay 162 qoys ayaa isugu jira dad reer Somaliland ooh ore dalka uga tahriibay, balse dib loogu soo celiyay iyo qaar ka mida ah qoysaska nugul ee  ku nool magaaladda Hargaysa.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda barokaceyaasha ee qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland Maxamuud Yuusuf Cali, “Haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland waxay halkan raashin ugu qaybinaysaa 162 qoys, oo isugu jira dad soo noqdeyaal ah, oo reer Somaliland iyo dadka nugul ee  reer Somaliland ee magaaladda Hargaysa ku nool”.

“Taasoo u jeedadu tahay, in dadka nugul laga caawiyo xagga nolol maal meelka ama raashinka quutal daruuriga ah. Barnaamijkani waxaa nagala shaqaysay haayadda IOM oo ay shaqo wadaag leeyihiin haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland caawinta dadka nugul.

Raashinkaasi ayaa isugu jira, noocyadda kala duwan ee raashinka sida Bariiska, Daqiiqda, Sonkorta, Baasto, Timir, Saliid, iyo noocyadiisa kala duwan oo dhamaystiran” ayuu yidhi Maxamuud Yuusuf Cali.

Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda soo noqdeyaasha ee haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland Rooble Ibraahim Axmed, “Waxaanu halkan raashin ugu qaybinaynaa dad isugu jira qoysas danyar ah, iyo dad soo noqdeyaal ah.

Waxaa hawshaasi nagala qayb qaadatay haayadda IOM iyo haayadda NDRA. Dadka soo noqdeyaasha ahi waxay ahaayeen dad laga soo celiyay dawlado shisheeye, oo dalka dib loogu soo celiyay, iyo dad iyaguna danyar ah oo magaaladda Hargaysa ku nool”.

 

Leave a Reply