Saraakiil Ciidanka Somaliland oo Qeyb ka noqday Dufcaddii Ugu Horaysay ee ka Qalin Jabisay Kuliyadda Difaaca Itoobiya

0
316

Addis Ababa (Dawan)-  Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisay Kulliyadda Difaaca Itoobiya ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka JSL.

Xaflad loo qabtay Qalin jebinta 38 sarkaal oo ka kala socday Itoobiya, Somaliland, Koonfur Sudan, oo uu ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee ka qalin jebiya kulliyadda dagaalka ee Federaalka.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Raysal Wasaaraha Itooobiya Isniintii ayaa lagu sheegay in Md abiy Axmed ka qayb galay xafladii qalin jabinta kuliyada dagaalka. 38 aqoonyahan oo meelo kala duwan ka yimid ayaa la tababaray oo ka qalin jabiyay kulliyadda. RW Abiy ayaa ku booriyay ardayda qalin jebisay inay sii wadaan raadinta aqoonta iyo inay la wadaagaan dadka kale.

Labada sarkaal ee Ciidamada Somaliland ee madasha ku sugnaa ayaa kala ahaa Gaashaanle Sare Axmed Xasan Faarax iyo Gaashaanle Sare Maxamed Xaaji Ciise.

Qalinjabiyeyaasha kulliyadda dagaalka Itoobiya oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo xirfadlayaal rayid ah ayaa ku bartay kulliyadda shaqada hogaamiyayaal xirfad leh oo karti u leh arrimaha istaraatiijiyadeed ee caalamiga, gobolka iyo qaranka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku booriyay ardayda qalin jabisay in ay sii wadaan dadaalkooda aqooneed iyo in ay la wadaagaan dadka kale. Saraakiil ciidan oo ka kala socda dalal kala duwan ayaa sidoo kale ka qeyb galay xaflada qalin jabinta.

In kasta oo dawladda Faderaalka Itoobiya aanay si rasmi ah u aqoonsan madax-bannaanida Somaliland, haddana labada wadan ayaa wadaaga xidhiidh iskaashi diblomaasiyadeed qoto-dheer, waxaanay ilaa muddo dheer tababar ku soo qaadan jireen saraakiisha Ciidamadda kala duwan iyo shaqaalaha dawladdu tababaro kala duwan Jaamacadaha iyo kulliyaddaha ciidamadda ee dalka Itoobiya.

Kulliyada Difaaca Dagaalka oo si buuxda u hawlgashay Oktoobar 2019, ayaa ah machad cilmi-baadhiseed iyo istiraatijiyadeed ee ugu horreeya iyo heerka koowaad ee Itoobiya.

Waxay awood u leedahay inay soo saarto hoggaamiyeyaal sare oo militari iyo rayid ah oo si wax ku ool ah u falanqeyn kara khataraha amniga ee murugsan, iyo raadinta xalkooda iyagoo abuuraya iskaashi habaysan oo lala yeesho ciidamada kale ee amniga qaranka iyo kuwa gobolka.

 

Leave a Reply