Magacyada Lix Ciyaartoy oo ay Man United Doonayso iyo Fursadda ay u Haystaan

0
277

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa maalgelin badan lagu samayn doonaa xagaagan, si ay uga soo kabato dhibaatooyinkii badnaa ee ay lasoo kulantay xilli ciyaareedkan oo ay kaalinta lixaad ku dhamaysatay isla markaana ay laba tabbabare isku weydaarteen.

Erik ten Hag ayaa la wareegi doona Old Traffrod xagaagan, waxaana uu doonayaa inuu dhawr meelood ka xoojiyo kooxda, gaar ahaan khadka dhexe iyo difaaca oo ah meelaha uu rumaysan yahay inay ka dhutinayaan, iyadoo sidoo kalena uu weeraryahan dabiici ah ka  raadin doono suuqa.

Manchester United oo ay afar ciyaartoy oo khadka dhexe ah ka tegayaan xagaagan, sida Paul Pogba, Nemanja Matic, Juan Mata iyo Jesse Lingard, ayaa waxay Eik ten Hag u dhiibaysaa lacag gaadhaysa £120 milyan oo Gini oo uu suuqa kaga soo adeegan doono.

Inkasta oo ay lacagtani yar tahay marka loo eego baahida taalla kooxda, haddana Ten Hag ayaa isku dayi doona in uu dib ugu laabto jeebadda qoyska reer Glazer ee mulkiileyaasha kooxda si maalgelinta ay usii wadaan.

Ciyaartoyga koowaad ee diiraddiisu saaran tahay ayaa ah Frenkie de Jong oo khadka dhexe uga ciyaara Barcelona, kaas oo uu Erik ten Hag doonayo inay mar kale midoobaan kaddib sannado guulo ahaa oo ay kusoo wada qaateen Ajax.

Weerarka ayay sidoo kale u doonayaan Darwin Nunez oo u ciyaara kooxda reer Portugal ee Benfica, isla markaana goolal badan ka dhaliyey Champions League. Waxa kale oo liiskan ku jira kabtanka Tottenham ee Harry Kane, Pau Torres oo Villarreal difaaca uga ciyaara, isla markaana lala xidhiidhinayo Chelsea iyo waliba Declan Rice iyo Richarlison.

Qiimaynta fursadda ay Manchester United u haysato saxeexa ciyaartoydan

Frenkie de Jong – 4/6

Darwin Nunez – 9/4

Pau Torres – 3/1

Declan Rice – 3/1

Richarlison – 6/1

Harry Kane – 6/1

Leave a Reply