Xanuunka Jadeecada oo Ka Dilaacay Gobollada Qaarkood

0
272

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in xanuunka Jadeecadu uu farro baas ku hayo bulshooyinka ku kala nool goboladda Awdal, Sool, Togdheer, iyo Maroodijeex oo uu dad badan soo ritay ayna u jiifaan xanuunkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in sidoo kale caabuqa Covid-19-ka uu mar kale u muuqdo inuu soo rogaal celiyay, isla markaana lagu arkay dad ku nool meelaha Baadiyaha ah oo uu soo ritay ee ka fog magaalooyinka.

Xasan Gaafaadhi, waxa uu xusay in dadka ku nool meelaha miyiga ah ee uu haleelay Coronavirus ay soo xaqiijiyeen hawl wadeennadda wasaaradda caafimaadku.

Wasiirku waxa uu ka waramay dedaaladda loogu jirro ka hor taga xanuunadda Jadeecadda iyo Covid-19-ka, ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ka wado dhamaanba goboladda iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka caafimaadka oo shalay hadal ka jeediyay madal ay ku shaacinayeen bilawga ololaha talaalka ah Jadeecadda oo bishan 22-keedii ka bilaabmay goboladda Maroodijeex, iyo Gabiley, iyo talaalkii Covid-19-ka oo isna dalkoo dhan ka bilaabmay bishan aan ku jirno 23-keedii ka bilaabmay.

“Xanuunka Jadeecadu beryahan danbe xoog ayuu uga jiray wadanka, goboladda qaarkoodna faro-ba’an ayuu ku hayaa, dhibaatooyin badan na wuu gaystay. Sidaa darteed, waxaa lagama maar-maan noqotay in cudurkaasi talaalkiisa iyo daawayntiisaba ay wasaaradu si gurmad ah u gasho.

Goboladda Sool, Togdheer, iyo gobolka Maroodijeex, saddexdaas gobol ba cudurka Jadeecadda si weyn ayaa looga dareemay. Dhibaatooyin badan ayuu gaystay, dad badani na way u soo dhaceen, ama wuu soo ritay. Cusbitaaladana way u jiifaan wax ka baxay iyo wax weli ku jiraba. Dadka qaar caruur ahaana waabay u dhinteen. Awdal na waa lagu arkay meelaha qaarkood xanuunka Jadeecadda”.

Wasiirku waxa uu guud ahaanba bulshadda reer Somaliland ugu baaqay in ay caruurtoodda ka talaalaan xanuunka Jadeecadda, maadaama oo uu socdo ololaha talaalka Jadeecadda, ama in ay goobaha caafimaadka geeyaan si loo talaallo” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Geesta kale Xasan Gaafaadhi, waxa uu sheegay in xanuunka Covid-19-ka laga helay meello baadiye ah, isla markaana ay soo xaqiijiyeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadku.

Waxaanu tilmaamay in ay meelahaasi gaadhsiiyeen talaalka iyo daawooyinka lagaga hor taggo xanuunka Coronavirus, si loo xakameeyo faafitaanka caabuqaasi. Waxaanu yidhi, “Waxaa isaguna jira in xanuunka Covid-19-ka ay muuqato meello aan lagaba filaynin oo Baadiye ah, in laga soo sheegayo dad badan oo xanuunkaasi laga baadhay laga helay, kadib markii la soo sheegay, ee xumad lagu arkay oo la baadhay.

iyadoo wasaaradda caafimaadkuna ay ku saartay gaadiid iyo shaqaale, qalabkii baadhistana wata, ee dadkii xumadda lagu arkay la baadhay, waxaa cadaatay in meello baadiye ah laga helay xanuunka Covid-19-ka”.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in xanuunka shuban-biyoodku uu ka dilaacay meello ka mida goboladda dalka. “Waxa kaloo aan idin la socod siinayaa goobaha qaarkood in shuban-biyood uu ka jiro, oo iyadna wixii addeeg ah iyo wixii daawooyin ah aanu gaadhsiinay, heegan na aanu u nahay in aanu gaadhsiino” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland.

 

 

 

Leave a Reply