Arsenal oo Shaacisay Saxeexii Koowaad Ee Xagaagan

0
228

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dhamaystirtay saxeexii koowaad ee ay samayso xagaagan, waxaanu noqday xiddig culays badan ka furan doona Mikel Arteta oo uu si adag ugu dagaallamay sidii uu ugu midaysnaan lahaayeen Emirates Stadium.

Arsenal oo kaalinta shanaad ka gashay horyaalka Premier League ayaa waxay ka ciyaari doontaa Europa League iyadoo Tottenham afraad kala wareegtay kulamadii ugu dambeeyey, hase yeeshee xilli ciyaareedka dambe ayuu Mikel Arteta si fiican ugu diyaarinayaa kooxdiisa.

Gunners ayaa waxay maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka ay sii macasalaamaysay Alexandre Lacazette oo si xor ah uga tegay, sidoo kalena Eddie Nketiah ayaa isagana uu qandaraaskiisa Emitates ku egyahay bisha June oo xor u noqon doona inuu iskaga tago, laakiin waxay ku dedaalayaan sidii ay laacibkaas ugu qancin lahaayeen inuu sii joogo.

Waxa xaaladdaas oo kale ku jiray laacibka khadka dhexe ee reer Masar ee Mohamed Elneny oo isaguna bisha dambe xor ka noqonayay kooxda, hase yeeshee waxay kooxdu ku guuleysatay inay heshiis ka saxeexo laacibkan, waxaanu qalinka ku duugay qandaraas sannad ah oo ay la socdaan 12 bilood oo kale oo dookh ah oo ay Arsenal kordhin karayso haddii ay ku qanacdo inay sii haysato.

Kooxda reer London ayaa shalay si rasmi ah warbaahinta ugu soo bandhigtay Mohamed Elneney oo heshiiska cusub saxeexaya, waxaana uu laacibkani la hadlay warbaahinta isaga oo yidhi: “Waan jecelahay kooxdan, waxaanan dareemayaa sidiiyoo ay tahay qoys aan qayb ka ahay.

“Waxa aan doonayaa in aan sii wato u ciyaaristan kooxdan cajiibka ah iyo qoyskan cajiibka ah, aad ayaanan ugu faraxsanahay mustaqbalkayga.”

29 jirkan oo ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa Arsenal xilli ciyaareedkan ayaan marar badan kasoo muuqanin safka kooxdiisa gaar ahaan waqtigii uu Unai Emery joogay, waxaanay taasi keentay in sannadkii 2019 amaah loogu diro kooxda reer Turkey ee Besiktas.

Leave a Reply